Dhibaatada Maandooriyaha Xashiishaddu Dalka Ku Hayso Iyo Xaaladda Dhallinyarada Oo Laga Dayriyey

0
Thursday August 06, 2020 - 10:21:54 in by salman abdi
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatada Maandooriyaha Xashiishaddu Dalka Ku Hayso Iyo Xaaladda Dhallinyarada Oo Laga Dayriyey

    Dhibaatada Maandooriyaha Xashiishaddu Dalka Ku Hayso Iyo Xaaladda Dhallinyarada Oo Laga Dayriyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhibaatada Maandooriyaha Xashiishaddu Dalka Ku Hayso Iyo Xaaladda Dhallinyarada Oo Laga Dayriyey

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale, ayaa Xukuumadda iyo Ciidamada Booliska ugu baaqay inay ka hor tagaan xaaladda kasta oo khatar ku ah diinta islaamka iyo dhaqanka suuban, waxaanu si gaar ugu bogaadiyey ka hor taga xaashiishadda, waxaanu soo jeediyey in Dhalinyarada lagu qabto dhaqan xumada in loo sameeyo xabsiyo dhaqan celin ah.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in xoogga la saaro sidii wax loogu qaban lahaa dadka masaakiinta ah ama danyarta ah, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Xaashiishad aad u badan ayey Ciidamada amaanku qabteen, dhaliyaro aad u badana waa lagu qabtay, oo haddaad tagto Saldhiyada kala duwan ee dalka waxaad ku arkaysaa dhalinyaro badan oo u xidhan xashiishad iyo maandooriye lagu qabtay, sidaas darteed Xukuumadda iyo Ciidamada Booliska talaabadan waan ku bogaadinayaa, laakiin talada aan soo jeedinayo ayaa ah dhalinyarada ha loo sameeyo Xabsiyo dhaqan celin ah oo wax lagu baro, oo yaan lagu xidhin Xabsiyo kale oo yaan lala xidhin dad kale oo dhib mooyee aanay dheef ka faa’iidayn”.

Mar uu ka hadlayey Kootada Haweenka ayaa yidhi "Haweenka xaqooda iyo xuquuqdooda ALLE ayaa siiyey, oo Diinta Islaamka ayaa siiyey, sidaas darteed Haweenka waxaan leeyahay intaad kooto ku mashquulsan tihiin, mustaqbalka ubadkiina ka war haya, oo xaaladdooda ka war haya, oo hadba heerka ay ku sugan yihiin ka war haya, maxaa yeelay haddaad tagtaan Xabsiyada iyo Saldhigyada waxaad arkaysaa Dhalinyaradii oo u xidhan Xashiishad iyo wax la mid ah, haddaad tagtaan Maxkamadaha waxaad arkaysaan intaas oo Dhalinyaro ah oo xukuno kala duwani lagu xukumayo, loona haysto dambiyo kala duwan oo u badan Xaashiishad, Khamri, Tuuganimo iyo wax la mid ah, markaas Haweenoow Kooto waxba idiin tari maysee ubadkiina ogaada”.

Mar uu ka hadlayey Xukuumadda ayaa yidhi "Xukuumadda waa inay cadaaladda ilaalisaa, oo ka war haysaa dadkeeda masaakiinta ah ee aan waxba haysan, maxaa yeelay waa masuuliyaddeeda inay mar kasta si daacadnimo ku dheehan tahay inay u guto ayaa laga rabaa”.