Mas'uuliyiin La Filayo in xabsi guri loo geliyay qaraxii Beyrut Awgii.

0
Thursday August 06, 2020 - 10:23:29 in by salman abdi
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin La Filayo in xabsi guri loo geliyay qaraxii Beyrut Awgii.

    Mas'uuliyiin La Filayo in xabsi guri loo geliyay qaraxii Beyrut Awgii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin La Filayo in xabsi guri loo geliyay qaraxii Beyrut Awgii.

Mas'uuliyiin ka shaqeynayay dekadda Beyrut ee uu ka dhacay qaraxa dadka badan laayay ayaa la geliyay xabsi guri, xilli uu socdo baaritaan ku aaddan sida ay wax u dhaceen, sida ay sheegtay dowladda Lubnaan.

Qaraxa ayaa galaaftay noolasha dad ka badan 135 qof, waxaana ku dhaawacmay 4,000 oo kale. Lubnaan waxaa hadda ka dhaqangalay xaalad degdeg ah oo laba todobaad soconaysa.

Madaxweyne Misheel Cawn ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate taasoo si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin dekadda ku yaallay muddo lix sano ah.

Madaxa kastamada ee Lubnaan, Badri Dahir, ayaa sheegay in hay'adda uu madaxda ka yahay ay codsatay in kiimikadaasi dekadda laga qaado, balse "aanay taa dhicin."

Maadada Ammonium nitrate ayaa loo adeegsadaa bacriminta beeraha iyo weliba sameynta walxaha qarxa.

Khubaro ka tirsan jaamacadda Sheffield ee UK ayaa sheegay in qaraxaasi uu lahaa awood 10% u dhiganta qumbuladii atomic-ga ee lagu riday magaalada Hiroshima dagaalkii labaad ee dunida.

Waxa ay sheegeen in "qaraxaasi uu kamid yahay kuwa aan nukliyeerka ahayn ee ugu weynaa dunid inta taariikhda la og yahay."

Xukunka dilkii ra'iisal wasaare Xariiri

Maxkamadda caalamiga ah ee baaraysa dilka ra'iisal wasaarihii hore ee Lubnaan, Rafiiq Xariiri ayaa sheegtay inay dib u dhigeyso xukunkii laga sugayay Jimcaha.

Maxkamadda oo fadhigeedu yahay Hague ayaa sheegtay inay dib u dhigidda ku ixtiraamayso dadka ku waxyeelloobay qaraxa Beyrut.

Afar nin oo lala xiriirinayo ururka Xisbullah ayaa loo haystaa inay qorsheeyeen qaraxa lagu dilay Xariiri 15 sano ka hor.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay xukunka ridi doonto 18-ka bishan August.

Xaaladda Lubnaan qaraxa ka hor

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan Lubnaan, waxaana dhacay mudaharaadyo looga horjeedo qaabka ay dowladda u maareysay dhaqaale xumida dalkaasi ka taagan oo ah tii ugu darneyd tan iyo dagaalkii sokeeye ee socday 1975-1990.

Inta badan shacabka ayaa dhaqaale xumida u aaneynaya madaxda dalka mudada soo hogaaminayay ee keeni waayay isbedal xal u ah dhibaatooyinka waddankaasi ragaadiyay. Shacabka dalkaasi ayaa la tacaala koronto la'aan, biyo yari iyo daryeelka caafimaadka oo liita.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaw halkii lagu beegsaday ra'iisal wasaarihii hore Rafiiq Xariiri oo 15 sano ka hor lagu dilay gaari waxlaha qarxa laga soo buuxiyay.