Xaalad kale oo lasoo daristay caasimaddii ay qaraxyada ka dhaceen

0
Friday August 07, 2020 - 10:08:49 in by salman abdi
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalad kale oo lasoo daristay caasimaddii ay qaraxyada ka dhaceen

    Xaalad kale oo lasoo daristay caasimaddii ay qaraxyada ka dhaceen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad kale oo lasoo daristay caasimaddii ay qaraxyada ka dhaceen

Magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lubnaan ayaa gashay xaalad horleh kadib markii dad careysan ay dhigeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaas.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa lagu eedeeyay in aysan si wanaagsan u maareynin musiibadii dhacday.

Waxaa wadooyinka waaweyn ee magaalada oo ay kamid yihiin kuwa gala dhismaha baarlamaanka la dhigay ciidamo, kuwaa oo suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dad ka careysayn ficilada dowladda.

Dadka ayaa ka careysan qaraxyadii waaweynaa ee dhacay maalintii talaadada, kuwaa oo saraakiisha dalkaas ay sheegeen in uu ka dhashay 2,750 tan oo maadada ammonium nitrate oo si aan wanaaganeyn ugu keydsanaa bakhaar ku yaala dekedda tan iyo sanadkii 2013-ka.

Dad badan oo reer Lubnaan waxay aaminsan yihiin dayac dhank dowladda ay sabab u ahayd qaraxyadii ay ku dhiteen 137 qof halka shan kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maalinta axadda ayaa lagu wadaa in dalkaas ay ka dhacaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda, waxaase aan la ogeyn sida dibadbaxayadan ay uga sii dari karaan xaaladda Lubnaan oo haatan la daala-dhacyso waxyeeladii qaraxyadii dhacay, dhibaato dhaqaale iyo sameynta feyraska corona.

Daka ka careysan falcelinta dowladda Lubnaan
Qoraalka sawirka,

Daka ka careysan falcelinta dowladda Lubnaan

Qaraxyadii dhacay ayaa burburiyay gurya badan oo ku yaallay caasimadda waxaana ku guri beelay dad lagu qiyaasay 250 kun oo qof. Dad badan ayaa wali la' yahay, kuwaas oo qaar kamid ah la aaminsan yahay inay ku hoos xaniban yihiin dhismayaashii burburay.

Wakaaladda wararka ee dowladda ayaa sheegtay in musiibadii dhacday loo xiray 16 qof, qeybna ay ka tahay baaritaanada ay bilawday dowladda.

Tan iyo markii ay dhacday musiibada, waxaa xilka iska casilay laba sarkaal. Xildhibaan Marwan Hamadeh oo katirsan baarlamaanka dalkaas iyo safiirka Lubnaan u fadhiya Urdun ayaa iska casilay xilalkii ay hayeen, waxaana ay sheegeen in mussiibadii dhacday kadib loo baahan yahay isbadel dhanka hogaanka.

Sidoo kale madaxweynaha dalka Faransiiska, Emmanuel Macron oo booqday Beirut kadib dhibaatadii dhacdaya ayaa sheegay in Lubnaan ay u baahan tahay isbadello la taaban karo oo dhanka hogaanka. Wuxuu ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo wixii dhacay.

Dekedda ay qaraxyada ka dhaceen ayaa ah halka ay ku tiirsan tahay Lubnaan, waxaana laga soo dejiyaa 80 boqolkiiba waxyaabaha laga soo dhoofiyo dibadda.

Maxaa sababay qaraxa?

.
 

Ku dhawaad 3,000 oo tan oo ah kiimikada ammonium nitrate - oo lix sano ka hor laga soo qaaday markab taagnaa meel ka baxsan xeebta Beyruut, kaddibna lagu keydiyay bakhaar - ayaa la sheegay inay sabab u tahay qarixii Talaadadii burburiyay dekedda caasimadda Beyruut iyo agagaarkeedaba.

Laakiin maxay tahay kiimikada ammonium nitrate, maxaysa khatar weyn u leedahay?

Waa maxay maadada ammonium nitrate?

Ammonium nitrate waa kiimiko ka sameysay wax geeso leh oo adag, waxaana loo adeegsadaa warshadaha.

Arrinta ugu weyn ee loo isticmaalo waa maaddada ku jirta ee nitrogen-ta, taasoo wax lagu bacrimiyo, laakiin waxaa sidoo kale loo adeegsadaa in lagu sameeyo waxyaabaha qarxa ee loogu talagalay godadka macdanta laga qodo.

"Meel iska caadi ah oo dhul ah kama heli kartid ammonium nitrate," ayuu yidhi Andrea Sella, oo ah barfasoor maaddada chemistry-ga ka dhiga Jaamacadda London. "Sababta aadan dhulka ugu arkeynin waa inay leedahay aashito awood badan", ayuu yidhi.

Ammonium nitrate waxaa lagu sameeyaa meel kasta oo ka mid ah caalamka, qiimaheeduna wuu iska jaban yahay.

Laakiin waxaa dhib keeni kara in meel lagu keydiyo, waxaana lala xiriiriyay inay sabab u ahayd shilal aad halis u ahaa oo horay uga dhacay warshado.