Sheekh Shariif Oo Sharaxay Sababta Ay Soomaaliya Uga Adkaan La'dahay Kooxda Al-Shabaab.

0
Friday August 07, 2020 - 10:24:45 in by salman abdi
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif Oo Sharaxay Sababta Ay Soomaaliya Uga Adkaan La'dahay Kooxda Al-Shabaab.

    Sheekh Shariif Oo Sharaxay Sababta Ay Soomaaliya Uga Adkaan La'dahay Kooxda Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Shariif Oo Sharaxay Sababta Ay Soomaaliya Uga Adkaan La'dahay Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa ka qeyb galay dood celmiyeed ciwaan looga dhigay Xaaladda Amniga ee Soomaaliya, taas oo uu soo qaban-qaabiyay machadka ACTRI ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka.



Doodaas oo lagu qabtay qadka Internetka ayuu Shariif Sheekh Axmed si faahfaahsan uga hadlay sababaha looga adkaan waayay ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaalamaya qeybo ka tirsan gobollada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sheekh Shariif oo ka talo bixiyay habka Al-Shabaab looga adkaan karo ayaa sheegay in loo baahanyahay ka go’naan iyo rabitaan dhab ah in laga helo hoggaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in sida uu aaminsan yahay laga gaabiyay dagaalka ciribtirka Al-Shabaab.



Sidoo kale Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh ayaa sheegay in wax laga walwalo ay tahay sida ay Al-Shabaab weli ugu xooganyihiin dalka, si gaar ah dhaqaalaha ka soo gala magaalada Muqdisho ayuu uga hadlay. Waxa uu sheegay inay canshuur ka qaadaan konteennar kasta oo ka soo dega dekedda weyn ee Muqdisho, isagoo taas ku tilmaamay baad sababtay sii jiritaanka Al-Shabaab.


"Waa markii ugu horreysay taariikhda oo ay Al-Shabaab canshuur ka qaaddo dekedda Muqdisho, mana jirto cid dhaqaaq maaliyadeed sameyn karta, iyadoo aan meel la saarin lacagta baada ah ee Al-Shabaab” ayuu yiri Sheekh Shariif.Wuxuu intaa ku sii daray "Waxay na tusineysaa in awooda dhaqaale u saamaxeyso inay geystaan weerarro ‘laayaan ah’ oo galaaftay nolosha dad badan, waxaana ka xusi karaa xasuuqii 14-kii October 2017-kii, oo aan ku weynay 600 oo rayid ah ka badan.”


Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaanka dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay masuul ka tahay sii jiritaanka Al-Shabaab iyo inay dalka ku sii xoogeystaan. "Dowladdii aan Madaxweynaha ka ahaa oo ka dhaqaale yareyd tan haatan jirta, ka ciidan yareyd, kana caqabado badneyd ayaa ku guuleysatay inay wiiqdo Al-Shabaab oo ka saarto Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood. In Xilligaan laga adkaan waayo Al-Shabaab waxay na tusineysaa in la dagaallanka kooxdan aan lasiin muhiimaddi uu lahaa” ayuu yiri madaxweynihii hore Sheekh Shariif.


Gaba-gabadii dooda Sheekh Shariif waxa uu talo ahaan u soo jeediyey, "Si looga akdaado Al-Shabaab waa inaan diiradda lasaarin oo kaliya in lagu qaado dagaal toos ah oo ciidan, laakiin waa in qorshaha lagu darsado in loola dagaalo qaab fikir ah, oo dadka la qalday ee kooxda kamid ah loo sharraxo fasirka saxda ah ee diinta Islaamka, loona fahamsiiyo hab caqli gal ah.”