Faransiiska iyo QM oo qabanaya shir qaadhaan loogu gurayo Beyruut

0
Sunday August 09, 2020 - 08:44:25 in by salman abdi
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faransiiska iyo QM oo qabanaya shir qaadhaan loogu gurayo Beyruut

    Faransiiska iyo QM oo qabanaya shir qaadhaan loogu gurayo Beyruut

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faransiiska iyo QM oo qabanaya shir qaadhaan loogu gurayo Beyruut

Qaraxii weynaa ee baabiiyey magaalo madaxda Lubnaan Salaasadii ka dib, ayaa maanta oo Axad ah ay hogaamiyeyaasha dunidu qabanayaan shir ay qaadhaan ugu gurayaan magaalada Bayruut.

Kulankaas oo loo adeegsan doono maqalka iyo muuqaalka internet-ka ayaa waxa qabanqaabiyey Faransiiska iyo Qaramada Midoobay, waxaanu qabsoomi doonaa 2 duhurnimo wakhtiga Lubnaan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka qayb geli doono shirkaas.

 

Saraakiishu waxay ku qiyaaseen in qaraxa ka dhashay bakhaar ay yaalleen 2,000 oo tan oo maadada Ammonium Nitrate uu dhaliyey khasaare dhan 15 bilyan oo dollar.

Qaraxaas waxa ku naf waayey ugu yaraan 158 qof 5,000 oo qofna way ku dhaawacmeen halka 300,000 oo kalena ay ku guryo beeleen.

Sabtidii ayaa dhawr kun oo qof iskugu soo baxeen dariiqyada magaalada oo ay booliska oo u adeegsadaday suntan dadka ka ilmaysiisa ay isku dhaceen mudaharaadayaashuna ay shiid hadhka kaga dhigeen booliska. Waxaanay dadkii mudaharaadayey galeen oo qabsadeen xarumo wasaaradeed.

Ra'isal wasaaraha Lubnaan, Xasan Diyaab, ayaa khudbad uu Telefishanka ka jeediyey ku sheegay in uu dalban doono in dalka laga qabto doorashooyin wakhtigoodii ka soo hor mara si xal loogu helo xiisadda taagan. Arintaas ayaa lagaga wadahadli doonaa shirka golaha wasiirada ee Isniinta dhici doona.

 

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,

.

Qaraxa ka hor, Lubnaan waxa marka horeba ka taagnaa dhibaatooyin dhaqaale waxaanu sidoo kale dalku la tacaalayey wax ka qabashada safmarka korona.

Mudaharaaddo dawladda lagaga soo horjeedo ayaa bilaabmay bishii Oktoobar ee kal hore, waxaana sabab u ahaa duruufta maaliyadeed ee dalka ka jirtay iyo hoos u dhaca lacagta dalkaas.

Maxaa dhacaya Axadda?

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa booqasho ku tagay magaalada Bayruut Khamiistii, waxaanu sheegay in uu doonayo inuu gargaar caalami ah dalka u codsado.

Warbixin ka soo baxday qasriga madaxtooyada Faransiiska ayaa lagu sheegtay in shirka Axadda "ujeedadiisu tahay in ay dhaqaale ku yaboohaaan saaxiibada Lubnaan ee caalamku iyo sidoo kale in la isku keeno taageero degdeg ah oo beesha caalamku bixiso".

Wakiilo ka socda dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub, Shiinaha, Ruushka, Masar, Urdun iyo Ingiriiska ayaa shirkaa ka qayb geli doona, waxaana jira dalal badan oo kale oo lagu marqi qaaday.

Qoraallo xidhiidh ahaa oo Madaxweyne Trump ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay in uu kala hadlay "masiibadaa ka dhacday" Bayruut Madaxweyne Macron oo uu khadka telefoonka kula hadlay, waxaanu intaa ku daray inuu qudhiisu ka qayb geli doono shirkaa.

"Dal weliba diyaar buu u yahay inuu caawimo falo" ayuu yidhi.

Dhawr dal ayaa durba ku yaboobay malaayiin doolar oo gargaar ah waxaanay direen maraakiiba sida agab kaalmo ay iyo dhakhaatiir caawiya dadka reer Bayruut.

Laakiin hay'adaha Qaramada Midoobaya ayaa ku baaqay kaalmo dheeraad ah waxaanay digniin ku bixiyeen in caqabado waaweyni dalka soo foodsaareen. Guryo badan ayaa biyaha iyo laydhkuba ka go'anyihiin waxaana jira walaac isa soo taraya oo laga qabo in cunadu gabaabsi noqoto, iyada oo fiditaanka cudurka Covid-19 aad u sii kordhayso dalka oo dhan oo isbitaallada qudhoodii culays aad u badani fuulay.

"Baahi degdeg ah ayaa jirta oo weliba aad u ba'an" ayey tidhi af-hayeenka Unicef, Marixie Mercado oo warfidiyeenka kula hadlashay magaaalda Geneva Jimcihii.

Maxaa sababay qaraxa?

Ku dhawaad 3,000 oo tan oo ah kiimikada ammonium nitrate - oo lix sano ka hor laga soo qaaday markab taagnaa meel ka baxsan xeebta Beyruut, kaddibna lagu keydiyay bakhaar - ayaa la sheegay inay sabab u tahay qarixii Talaadadii burburiyay dekedda caasimadda Beyruut iyo agagaarkeedaba.

 

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

.

Laakiin maxay tahay kiimikada ammonium nitrate, maxaysa khatar weyn u leedahay?

Waa maxay maadada Ammonium Nitrate?

Ammonium nitrate waa kiimiko ka sameysay wax geeso leh oo adag, waxaana loo adeegsadaa warshadaha.

Arrinta ugu weyn ee loo isticmaalo waa maaddada ku jirta ee nitrogen-ta, taasoo wax lagu bacrimiyo, laakiin waxaa sidoo kale loo adeegsadaa in lagu sameeyo waxyaabaha qarxa ee loogu talagalay godadka macdanta laga qodo.

"Meel iska caadi ah oo dhul ah kama heli kartid ammonium nitrate," ayuu yidhi Andrea Sella, oo ah barfasoor maaddada chemistry-ga ka dhiga Jaamacadda London. "Sababta aadan dhulka ugu arkeynin waa inay leedahay aashito awood badan", ayuu yidhi.

Ammonium nitrate waxaa lagu sameeyaa meel kasta oo ka mid ah caalamka, qiimaheeduna wuu iska jaban yahay.

Laakiin waxaa dhib keeni kara in meel lagu keydiyo, waxaana lala xiriiriyay inay sabab u ahayd shilal aad halis u ahaa oo horay uga dhacay warshado.

Sidee ayay khatar u tahay ammonium nitrate?

 

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

.

Marka ay kaligeed tahay, ammonium nitrate way sahlan tahay in la xakameeyo, sida uu sheegay Barfasoor Sella.

Hase yeeshee, haddii ay waxyaabo kale oo badan ag yaallaan muddo dheer, waxay billaabeysaa inay mirirto.

"Dhibka ugu waaweyn waa in marka ay muddo dheer meel taallo ay soo jiidaneyso qoyaan, ugu dambeyntiina waxay isku baddaleysaa dhagax adag oo weyn," ayuu yidhi.

"Arrintaas waxay ka dhigeysaa mid khatar weyn leh, sababtoo ah taasi waxay ka dhigan tahay in haddii ay qaraxdo ay sababeyso khasaare weyn oo durbadiiba faafa." Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Mudadda dheer ee ay meel taallo ayey hadba ku xidhan tahay walxaha ay qabsaneyso, oo ay ka mid yihiin qoyaannada shidaalka, sida uu maanta Barnaamijka BBC 4 u sheegay Philip Ingram, oo horay usoo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan milatariga.

Marka ay taasi dhacdo, waxay labanlaabi kartaa kiimikada ay sii deyneyso.

"Waxay sameysaneysaa kuleyl iyada u gaar ah, marka ay billowdana, way sii xoojineysaa kuleylkaas oo ku badan doona in muddo ah," ayuu yidhi Mr Ingram.

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu intaas raaciyay: "Markaas kaddib waxaa ka dhalan kara qarax aad u weyn, sida aan haddaba ku aragnay muuqaallada argagaxa leh ee laga soo duubay magaalada Beyruut."