Nin qirtay inuu ka dambeeyay dilka fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa

0
Sunday August 09, 2020 - 08:45:58 in by salman abdi
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin qirtay inuu ka dambeeyay dilka fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa

    Nin qirtay inuu ka dambeeyay dilka fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin qirtay inuu ka dambeeyay dilka fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa Tilahun Yami, oo ah tuhmanaha koowaad ee dilkii fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa ayaa qirtay inuu yahay dambiile, tan iyo markii la qabtay horaantii bishii hore isaga iyo afar kale oo tuhmanayaal ah.

 
 
Tilahun Yam ayaa maxkamada ka hor sheegay in dadkii u adeegsaday dilka Hachalu ay ugu hanjabeen inay dilayaan xubnaha qoyskayga haddii uu bixiyo macluumaad ku saabsan dilka fanaanka iyo cida usoo dhiibtay amarka.

Tilahun, ayaa lagu eedeeyay in uu toogtay Hachalu illaa 30 Juun, 2020, meel u dhow goobta loo yaqaan 'Gelan Condominium' ee Addis Ababa.

Dhimashada fanaanka ayaa sababtay weerarro qowmiyadeed iyo mid diimeed oo sababay dhimashada ugu yaraan 200 qof boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Tilahun wuxuu maxkamadda ka codsaday in ay siiso dhamaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah badbaadada xubnaha qoyskiisa.

Intii lagu gudajiray dhageysiga maxkamada hore, eedeysanuhu wuxuu maxkamada ka codsaday inay u ogolaato inuu is dilo.