Dibedbaxayaasha Lubnaan oo qabsaday wasaarado

0
Sunday August 09, 2020 - 08:50:58 in by salman abdi
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibedbaxayaasha Lubnaan oo qabsaday wasaarado

    Dibedbaxayaasha Lubnaan oo qabsaday wasaarado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibedbaxayaasha Lubnaan oo qabsaday wasaarado

Dadka ku mudaharaadaya caasimadda Beyrut ayaa galay wasaarado ay dowladda leedahay, xilli ay sii xoogeysanayaan rabshadaha salka ku haya qaraxii weynaa ee Talaadadii magaaladaasi ku dilay in ka badan 158 qof.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo weliba rasaas u adeegsaday dibedbaxayaasha, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay Fagaaraha Shuhadada.

Ra'iisal wasaaraha dalkaasi, Xasan Diyaab, oo telefishinka kala hadlay shacabkiisa, ayaa sheegay inuu codsan doono doorasho baarlamaan oo xilligeeda laga soo hormariyay si looga gudbo xiisadda taagan.

"Kama gudbi karno dhibaatada salka ku haysa haykalka dowladda iyadoo aan la qaban doorasho baarlamaan oo xilligeeda ka soo hormartay," ayuu yiri. Arintaasi ayaa looga hadli doonaa shirka golaha wasiiradda ee Isniinta.

Qaar badan oo kamid ah shacabka Lubnaan ayaa ka caraysan sida looga hortagi waayay qaraxa oo ka dhashay makhaasiin lagu keydiyay kumannaan tan oo ah maadada qaraxda ee ammonium nitrate.

Maadadaasi ayaa laga dejiyay markab dekadda Beyrut ku soo xirtay lix sano ka hor. Dowladda ayaa wacad ku martay inay la xisaabtami doonto kuwa mas'uulka ka ahaa dayacaaddaasi.

Dibedbaxyada ka dhanka ah dowladda ayaa soo bilowday bishii October ee sanadkii tegay, waxaana ay salka ku hayeen dhaqaale xumida ka jirta Lubnaan iyo qiimo dhaca ku yimid lacagta dalkaasi.

Maxaa ka socda wasaaradaha?

Tobanaan kamid ah dibedbaxayaasha ayaa xoog ku galay wasaarado iyo xarunta dhexe ee ururka ay ku mideysan yihiin bangiyada waddankaasi.

Dad kamid ah dibedbaxayaasha oo ku qeylinayay erayo ka dhan ah dowladda isla markaana gubayay sawirka madaxweyne Misheel Cawn ayaa galay wasaaradda arimaha dibedda, waxaana ay ku baaqeen in la qabsado dhammaan wasaaradaha.

"Inaga ayaa haysana. Waa na loo faarujiyay. Boolisku waxa ay ku sugan yihiin albaabka hortiisa. Nama aysan joojin karin," ayay tiri gabar ka mid ah dibedbaxayaasha oo magaceeda ku sheegtay Rebecca, taasoo la hadashay barnaamijka Newshour ee BBC-da.

Dadka galay wasaaradda arimaha dibedda oo gaaraya illaa boqol qof ayaa waxaa kamid ah saraakiil milateriga hawlgab ka noqday.

Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya dibedbaxayaasha oo sidoo kale xoog ku galay wasaaradaha tamarta iyo dhaqaalaha ee Lubnaan.

Milateriga dalkaasi ayaa lagu arkayay wadooyinka caasimadda iyagoo wata gawaarida ay ku rakiban yihiin qoryaha.