Telefishanka Al-jazeera Oo Si Xaqiiqada Ka Fog U Turjumay Waraysi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Uu Kaga Hadlay Somaliland.

0
Monday August 10, 2020 - 12:59:43 in by salman abdi
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Telefishanka Al-jazeera Oo Si Xaqiiqada Ka Fog U Turjumay Waraysi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Uu Kaga Hadlay Somaliland.

    Telefishanka Al-jazeera Oo Si Xaqiiqada Ka Fog U Turjumay Waraysi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Uu Kaga Hadlay Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Telefishanka Al-jazeera Oo Si Xaqiiqada Ka Fog U Turjumay Waraysi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Uu Kaga Hadlay Somaliland.

Waxa siyaabo xaqiiqada ka fog loo marin habaabiyey, loogana been sheegay shirkii Jaraa’id ee uu 7-dii Bishan ku qabtay Addis ababa Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dini Mufti oo uu kaga hadlay Jamhuuriyadda Somaliland.


Telefishanka Aljazeera ayaa ka mid ahaa Warbaahintii sida xaqiiqada ka fog u turjuntay Hadalkii Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo ay baahisay in inuu Somaliland ku tilmaamay qayb ka mid ah Soomaaliya, taasi oo gabi ahaanba aan ku jirin hadalka masuulkaas.



Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la weydiiyey in weftigii Masar ee dhawaan Somaliland yimid inay u socdeen sidii ay Saldhig uga sameysan lahaayeen Somaliland, waxaanu ku jawaabay, "Masar waa dawlad jirta, dadka iyo dalka ay doonto xidhiidh way la sameysan kartaa, laakiin waa in aan annaga dalkayaga bartilmaameed nalaga dhigan. Haddii nalaga dhigan lahaana ogolaan mayno. Somaliland, Soomaaliya iyo Suudaanba Masar xidhiidh way la sameysan kartaa haddii aanay wadin wax Itoobiya dhib ku ah.”


Danjire Dini Mufti oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray "Wax bartimaameed ah oo aanay dalkayaga iyo dantayada aan taabanayn oo aan dhibaato ku aheyn xor bay u tahay Masar inay cidda ay doonaan xidhiidh la sameystaan. Arrintaas Somaliland mar iyo lababa waanu u sheegnay, imikana waanu u sheegaynaa.



Madaxa Qaybta Axmaariga ee Radio Hargeysa Maxamed Mukhtaar Cismaan ayaa u soo turjumay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Sla