Qaramada Midoobay oo dowladda Soomaaliya ka codsatay in dib loo celiyo sharciga dambiyada Galmada

0
Tuesday August 11, 2020 - 09:28:34 in by salman abdi
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo dowladda Soomaaliya ka codsatay in dib loo celiyo sharciga dambiyada Galmada

    Qaramada Midoobay oo dowladda Soomaaliya ka codsatay in dib loo celiyo sharciga dambiyada Galmada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay oo dowladda Soomaaliya ka codsatay in dib loo celiyo sharciga dambiyada Galmada
 Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Xuquuqda Aadanaha Michelle Bachelet ayaa dhalleeceysay sharciga horyaala baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsan dambiyada galmada.


Michelle Bachelet waxay sharcigaan ku tilmaamtay inuu horseedayo guurka caruurta, guurka qasabka ah iyo dhaqamada kale ee naxdinta leh, waxayna ku baaqday in laga hortago inuu sharci noqdo.

Waxay sheegtay inuu jiro sharci la ansaxiyay 2018 xukuumadii Ra'isalwasaare Xasan Cali Khayre, kaasoo baarlamaanka horyaalay muddo labo sano ah, in kasta oo aqalka hoose uu soo saaray qodobo dhowr ah oo wax ka badal lagu sameeyay oo laga dooday.

Michelle Bachelet waxay ugu yeertay mas'uuliyiinta Soomaaliya inay dhaqso u qaataan sharcigaas la ansixiyay 2018 oo helay taageerada loo dhan yahay ee Dowladda.

Qaramada Midoobay waxay weydiisatay dowlada inay dib u soo celiso sharciga dambiyada galmada ee horyaala barlamaanka.