Nin geed hoostii ku kufsaday gabadh 12 sanno jir ah oo lagu xukumay in dhagax lagu dilo

0
Thursday August 13, 2020 - 08:35:18 in by salman abdi
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin geed hoostii ku kufsaday gabadh 12 sanno jir ah oo lagu xukumay in dhagax lagu dilo

    Nin geed hoostii ku kufsaday gabadh 12 sanno jir ah oo lagu xukumay in dhagax lagu dilo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin geed hoostii ku kufsaday gabadh 12 sanno jir ah oo lagu xukumay in dhagax lagu dilo

Maxakamad Islaami ah oo ku taallo magaalada Kano ee dalka Nigeria ayaa dil ku xukuntay nin da'a ah oo lagu soo eedeeyay inuu kufsaday gabadh 12 sanno jir ah.

Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa dalkaasi Nigeria dibadbaxyo ka dhigayay dadka u ololeeya xuquuqda dumarka, kuwaasi oo ka soo horeeda kiisaska kufsiga ee sare u sii kacaya.

Afhayeen u hadlay waaxda cadaaladda ee gobolka Kano ayaa BBC-da u sheegay in Maxkamadda Sare ee Shareecada Islaamiga ay ninkan 61 sanno jirka ah ku heshay dambiga ah inuu gabadh 12 sanno jir ah uu ku kufsaday geed hoostii iyadoo ku sugnayd banaanka tuulada Farsa sannadkii la soo dhaafay ee 2019-ka.

Ninkan oo xaasle ah ayaa waxay maxkamadda ku xukuntay in dhagax lagu dilo oo ah sida ay qabto Shareecda Islaamka. Hase yeeshee waxa uu xaq u leeyahay in muddo 30 maalmood gudohood ah uu racfaan kaga qaato xukunkaasi.

Waa xukunkii labaad oo dil ah oo ay maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Kano ridaan muddo toddobaad gudihii ah oo Isniintii la soo dhaafay Maxkamad Islaami ah ayaa nin fanaan ah ku xukuntay dal dalaad kaddib markii lagu helay dambi ah in uu aflagaadeeyay nebi Maxamed NNKH.

Maxkamadda ayaa go'aamisay in Yaxya Maxamed Shariif Aminu uu diinta aflagaadeeyay xilli uu qaaday hees si weyn loogu baahiyay barta WhatsApp bishii Maarso.

Gobolka Kano waxa uu ka mid yahay dhowr iyo tobanka gobol ee Waqooyiga Nigeria ee 20-kii sannadood ee la soo dhaafay ku dhaqmayay habka Sharceecada Islaamka iyo shuruucda kaleba ee dalka u degsan.

Tiro dad ah ayaa horay xukun dil ah loogu riday balse waxaa la aaminsan yahay in hal qof oo kaliya lagu fuliyay dilkii lagu xukumay