Hay'adda FOA oo soo saartay digniin sare oo ku saabsan webiga Shabeelle ee mara Baladweyne

0
Tuesday August 18, 2020 - 09:50:43 in by salman abdi
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda FOA oo soo saartay digniin sare oo ku saabsan webiga Shabeelle ee mara Baladweyne

    Hay'adda FOA oo soo saartay digniin sare oo ku saabsan webiga Shabeelle ee mara Baladweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda FOA oo soo saartay digniin sare oo ku saabsan webiga Shabeelle ee mara Baladweyne Hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FOA, ayaa digniin ka bixisay webiga Shabeelle ee mara magaalada Baladweyne, kadib markii Heerka webiggu uu aad sare maray heerkiisa, gaarayna 7.17m.


Hay'addu waxay tilmaamtay Maaddaama biyo badan ay ka soo qulqulayaan buuraha Itoobiya, inay jirto halis sare oo fatahaad ah.

FAO waxay digniin degdeg ah u dirtay bulshooyinka ku nool dhulka webiyada, sida Baladweyne, Buulo Burte iyo Jalalaqsi.

Gobolka Hiiraan ayaa aad ah ugu nuqul fatahaada webiga Shabeelle, waxaana labadii sano ee ugu dambeysay webigu khasaare ba’an u geystay boqolaal qoys oo ku noolaa magaalada Baladweyne iyo degaano kale.