Madaxwaynaha Turkiga oo shaaciyay in dalkiisa laga helay gaas dabiici ah

0
Saturday August 22, 2020 - 10:43:13 in by salman abdi
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Turkiga oo shaaciyay in dalkiisa laga helay gaas dabiici ah

    Madaxwaynaha Turkiga oo shaaciyay in dalkiisa laga helay gaas dabiici ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Turkiga oo shaaciyay in dalkiisa laga helay gaas dabiici ah

Markab kuwa qoda shidaalka oo uu turkigu leeyahay, ayaa shaaca ka qaaday in gaaska dabiiciga ah laga helay Badda Madow.

Madaweyneha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa weriyaasha u sheegay in markabka Fatih oo ah kuwa shidaalka baara, uu Badda howlgal ka waday tan iyo bishii July.

Madaxweynaha ayaa sheegay, in shidaalka la helay uu caddaddiisu gaarayo 11.3 tirilliyan oo fuusto oo gaaska dabiiciga ah.

Madaxweynaha ayaa siddoo kale sheegay in gaaskan uu yahay kii ugu badnaa ee laga helo dalka Turkiga.

Haddii Turkiga uu soo saaro gaas loo iib geyn karo caalamka, waxaa hoos u dhacaya ku tiirsanaantii tamarta loo dhoofiyo dalkiisa.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in la dhameys tiray dhammaan shaqadii baaritaanada ee gaaska.

Waxa uu intaasi ku daray in ay qeybtani tahay il dhaqaale oo weyn oo ku so koradhay Turkiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in haddii uu Alle yiraahdo ay soo socdaan ilo kale oo dhaqaale.

Mid ka mid ah maraakibta Turkiga
Qoraalka sawirka,

Mid ka mid ah maraakibta Turkiga

"Ma joojin doono ilaa aanu ka noqono dal dhoofiya tamarta oo uu u caalaamku ku tashado"

Madaxweyne Erdogan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in dalkiisa uu soo saaro gaaska sannadka 2023. Hase yeeshee khubarada dhanka tamarta ayaa sheegaya in soo saarista gaaska dabiiciga ah ay Turkiga ku qaadan karto ilaa middo toban sannadood ah.

Turkiga ayaa sidoo kale Markab kuwa shidaalka baara u diray bariga badda Mediterranean-ka.

Waxaa la soo sheegayaa in markabkaasi lagu rakay isagoo socda inta u dhaxeysa Crete iyo Qubrus, waxayna arrintaasi horseedday in Giriigga uu ka falceliyo, maadaama uu aaminsan yahay in meelo qaar kamid ah bariga badda Mediterranean-ka uu isaga maamulo.