Xildhibaan Ka Tirsan Gollaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Qodob Ku Jiray Shirkii Dhuusamareeb Oo Khuseeya Siyaasiyiinta Somaliland.

0
Saturday August 22, 2020 - 10:53:19 in by salman abdi
  • Visits: 371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Gollaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Qodob Ku Jiray Shirkii Dhuusamareeb Oo Khuseeya Siyaasiyiinta Somaliland.

    Xildhibaan Ka Tirsan Gollaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Qodob Ku Jiray Shirkii Dhuusamareeb Oo Khuseeya Siyaasiyiinta Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ka Tirsan Gollaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Qodob Ku Jiray Shirkii Dhuusamareeb Oo Khuseeya Siyaasiyiinta Somaliland.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada, ayaa digniin culus u diray Dawladda Soomaaliya, waxaanu tilmaamay inay faraha kala baxdo arrimaha Somaliland, waxaanu si gaar u sheegay in qodob kasta oo ay soo saarto Dawladda Soomaaliya in aanu waxba ka khusaynin Somaliland, xilli qodobbadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb uu ku jiro qodob si gaar ah ugu hadlay Siyaasiyiinta Somaliland ee xilalka u doonta Soomaaliya iyo qaabka loo xulanayo ama loo dooranayo.




Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nanac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afirka ayaa yidhi "Somaliland waa dal iskii u taagan oo madax bannaan, mana ah dal hoos yimaadda Soomaaliya, waanu u madax-bannaan nahay oo xor ayaanu u nahay in aanu xidhiidh la samayno dawlad kasta iyo dal kasta oo aanu iskaashi yeelanayno, Maamulka Muqdishana waxay kaga dheggan tahay waxaan waxba dan uga ahayn, waxayna iska dhaadhiciyeen waxaan u soconayn oo ah inay Somaliland oo ah dal isku tashaday inay maamulaan, Maamulka Muqdisho ma maamulan Somaliland, awood ay ku soo cago dhigtaan iyo talaabo ay naga qaadi karaana ma leh, Taiwana haddii xafiis dalkayaga ka furatay waa faa’iido inoo soo hoyotay”.



Mar uu ka hadaayey qodobbada ay Dawladda Soomaaliya soo saartay ayuu yidhi "Qodob kasta oo Maamulka Muqdisho soo saaro maaha qodob anaga na khuseeya, Doorasho toos ah iyo Doorasho dadban midna awood uma laha inay dalkayaga ka qabtaan, anaga ayaa ah dal wax walba qabsaday, anaga ayaana ah dad isku tashaday ee Siyaasi iskii ugu shaqo tagay Soomaaliya, xilkii doono ha qabtee, Somaliland Wakiil ugama noqon karo, dal iyo dad uu matalaana ma jiraan”