Maxkamada gobolka Banaadir oo xukuntay masuuliyiinta katirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya

0
Monday August 24, 2020 - 13:08:06 in by salman abdi
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada gobolka Banaadir oo xukuntay masuuliyiinta katirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya

    Maxkamada gobolka Banaadir oo xukuntay masuuliyiinta katirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada gobolka Banaadir oo xukuntay masuuliyiinta katirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ciqaabeed ku riday 9 qof masuul oo katirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo lagu helay musuq maasuq ku saabsan xatooyo hanta dadweyne.

 
 
Maxkamada gobolka Banaadir ayaa Cabdillaahi Xaashi Cali oo ah agaasimihii guud ee wasaaradda caafimaadka ku xukuntay 9san oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 59malyuun oo shilin Soomaali ah. Waxaa sidoo kale ay ka reebtay inuu maamulo xafiis dambe oo dadweyne.

Sidoo kale, agaasimihii maamulka iyo maaliyadda wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayay maxkamadu ku riday 18 sano oo xabsi ah iyo 59 malyuun oo shlin Soomaali ah. Isagana waxaa laga mamnuucay inuu mar dambe ka shaqeeyo xafiis dadweyne.

Mahdi Abshir Maxamed, madaxii xisaabaadka mashruuca wacyi galinta caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarrig ah iyo 59 malyuun oo shilin Soomaali ah. Masuulkaan waxaa isna laga reebay inuu ka shaqeeyo xafiis dadweyne ama dowladdeed.

Bashiir Cabdi Nuur, ahna xisaabiyihii mashruuuca malaariyadda iyo iyo HIV/AIDs ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo 29malyuun oo Sh,So iyo ka reebista shaqo dadweyne muddo 5 sano ah.

Dhinaca kale, maxkamadu waxay xoriyadooda usoo celisay 5 eedeesane oo katirsanaa shaqaalaha waaxyaha wasaaradda caafimaadka oo lagu waayay dambiyadii lagusoo eedeeyay wayna fasaxday.