War Deg Deg Ah:-Puntland oo maxkamad soo taagtay rag loo haystay kufsi iyo dil

0
Wednesday August 26, 2020 - 12:24:28 in by salman abdi
  • Visits: 384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Puntland oo maxkamad soo taagtay rag loo haystay kufsi iyo dil

    War Deg Deg Ah:-Puntland oo maxkamad soo taagtay rag loo haystay kufsi iyo dil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Puntland oo maxkamad soo taagtay rag loo haystay kufsi iyo dil Waxaa saaka maxamada darajada kowaad ee Gobolka Nugaal ufariisatay dhegaysiga kiis kufsi iyo dil ah oo sanadkii hore Garowe loogu geystay allaha u naxariistee marxuumaad Hodon Shanlayste.

 
 
Maxkamada ayaa la horkeenay 7 nin oo kiiskaan u xiran, kuwaas ciidamda ammaanku gacanta kusoo dhigeen, lamase hubo inay yihiin raggii falkaan ka dambeeyay iyo in kale.

Marxuumada ayaa sanadkii hore bilowgiisii iyadoo xilli duhur ah oo ay gurigeeda ku sugan tahay, waxaa usoo dhacay dhowr nin oo kufsi wadareed ugeystay kadibna ku dilay bac ay madaxa u galiyeen.

Dhegaysiga kiiskaan ayaa marar badan dib u dhacay sababo la xiriira caddeymaha kiiskaan oo qabyo ahaa iyo cudurka corona virus oo saameyn ku yeeshay shaqooyinka maxkamada qaban jireen.

Kiiskaan waa kiiskii labaad oo kufsi oo ugu xumaa oo Puntland gudaheed ka dhacay, kiiskii ka horeeyay wuxuu ahaa midkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo raggii dilay lagu fuliyay xukun dil ah.

Maxkamada ayaa dhagaysi kadib dib dhigtay iyadoo eedaysanayaasha oo aan wadan qareen ay maxkamadu qareen u qabatay.

Dhagaysiga kiiska ayaa dib layskugu soo laaban doona marka qareenada eedaysanayaasha loo qabtay ay soo diyaar sadaan docomentigooda.