Wasiirka Cadaaladda Oo Saxeexii Ka Hakiyey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda & Qoraallo Isku Lid Ah Oo Ay U Gudbiyeen Madaxweyne Biixi.

0
Saturday August 29, 2020 - 11:34:45 in by salman abdi
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Cadaaladda Oo Saxeexii Ka Hakiyey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda & Qoraallo Isku Lid Ah Oo Ay U Gudbiyeen Madaxweyne Biixi.

    Wasiirka Cadaaladda Oo Saxeexii Ka Hakiyey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda & Qoraallo Isku Lid Ah Oo Ay U Gudbiyeen Madaxweyne Biixi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Cadaaladda Oo Saxeexii Ka Hakiyey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda & Qoraallo Isku Lid Ah Oo Ay U Gudbiyeen Madaxweyne Biixi.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Mustafe Maxamuud Cali ayaa saxeexii ka hakiyey Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Cabdiraxmaan Sheekh Xasan (Musaabaqo). Talaabadan ayaa timid ka dib khilaaf soo jiitamayay oo muddo u dhaxeeyay labadan masuul.



Sida ay Warar xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika Wasiirka Cadaaladda ayaa Arbacadii Toddobaadkii hore wuxuu saxeexii ka hakiyey Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, isagoo Warqad uu Agaasimaha u qoray ugu sheegay inuu saxeexii ka hakiyey laga bilaabo Taariikhda 26-ka bisha 8-aad, 2020.


Wasiirku wuxuu warqaddiisa oo uu eedaymo ugu jeediyey Agaasimaha guud uu sidoo kalena Ogaysiin ku siiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.


Laakiin, Agaasime Cabdiraxmaan-musaabaqo ayaa isaguna Warqad jawaab celin ah wuxuu kaga jawaabay eedaymaha uu Wasiirku u jeediyey, sidoo kalena Warqaddiisa nuqul ka mid ah Ogaysiin ku siiyey Madaxweyne Biixi.

Saxeexa uu Wasiirku ka hakiyey Agaasimaha guud ayaan la ogayn inuu ku kooban yahay Arrimaha Maamulka iyo in kale, hase-ahaatee Madaxweyne Biixi ayaa la sugayaa inuu u gar-naqo labadan Masuul ee is khilaafay isla-markaana Digteerada ku wada Magacaaban.