Dowladda Soomaaliya oo Golaha Qaramada Midoobay u gudbisay ashtako ka dhan ah xafiiska UNSOM

0
Sunday August 30, 2020 - 08:43:19 in by salman abdi
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo Golaha Qaramada Midoobay u gudbisay ashtako ka dhan ah xafiiska UNSOM

    Dowladda Soomaaliya oo Golaha Qaramada Midoobay u gudbisay ashtako ka dhan ah xafiiska UNSOM

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo Golaha Qaramada Midoobay u gudbisay ashtako ka dhan ah xafiiska UNSOM Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la gaaray waqtigii dib u qiimeyn lagu sameyn lahaa waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo ay dowladdu ku eedeysay inuu yar yahay awooda uu ku bixiyo taageerada siyaasadeed iyo caawinaada farsamo ee ku saabsan ajandaha dowlad dhisida Soomaaliya.

 
 
Qoraal kasoo baxay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay oo la gudbiyay madaxweynaha golaha Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in xafiiska UNSOM uu hoos u dhigo tallaabooyinka horumarka ee ay sameyso dowladda federalka, iyadoo taas bedelkeedna uu xafiiska warbixinadiisa saddex billoodlaha ah ku sheego ka felcelinta dhacdooyinka.

"In kasta oo ay jiraan horumar ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talaabsatay sannadihii ugu dambeeyay, UNSOM waxay umuuqataa inaysan faafinayn dadaalka iyo himilooyinka la xaqiijiyey ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waday dhulka. Tani waxay sababtay in howlaha ergada ay noqdaan kuwa falcelin ka sameeya dhacdooyinka, iyadoo ay yartahay awooda ay ku bixiso taageero siyaasadeed iyo caawinaad farsamo oo ku saabsan natiijooyinka muhiimka ah ee aasaaska u ah ajandaha dowlad dhisida Soomaaliya,” ayuu yidhi danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay inay ku baaqayso in la ilaaliyo madaxbanaanideeda lagana digtoonaado in lasoo faro galiyo arrimaha Soomaaliya -gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

"Hada in kabadan sidii hore, iyada oo daneeyayaasha siyaasadeed ee muhiimka ka ah Somalia ay ku heshiiyeen qaabka doorashada, waxaan ka codsaneynaa Golaha Amniga iyo saaxiibada caalamiga ah in ay naga taageeraan dadaalkeena si aan u fulinno dadaallada aan dalkeena ku kacno,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dhawaan ayay ahayd markii wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan uu golaha ammaanka u gudbiyay warbixin saddex billoodle ah oo uu ku saabsanayd dhacdooyinkii dhacay saddexdii bil ugu dambeysay.