Natiijooyinka Champions League: Anderlecht Oo Arsenal Ka Yaabsatay, Juventus Oo Gaadhay Guul Ay UBaahnayd Iyo Real Madrid Oo Guul La Filayay Ka Gaadhay Liverpool

0
Wednesday November 05, 2014 - 14:07:22 in by Burco Office
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijooyinka Champions League: Anderlecht Oo Arsenal Ka Yaabsatay, Juventus Oo Gaadhay Guul Ay UBaahnayd Iyo Real Madrid Oo Guul La Filayay Ka Gaadhay Liverpool

    Waxaa caawa la ciyaaray kulamada afraad ee heerka groupyada ee Champions Leaquega, Anderlecht ayaa barbaro cajiib ah ku qabatay kooxda Arsenal oo saddex gool uga hormartay halka kooxda Juventus ay Olympaicos ka gaadhay guul ay u dagaalantay isla mark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa caawa la ciyaaray kulamada afraad ee heerka groupyada ee Champions Leaquega, Anderlecht ayaa barbaro cajiib ah ku qabatay kooxda Arsenal oo saddex gool uga hormartay halka kooxda Juventus ay Olympaicos ka gaadhay guul ay u dagaalantay isla markaana ruuxda dib ugu soo celisay si ay baaqi ugu sii ahaan karto Champions Leaquega. Real Madrid ayaan sidii la saadaalinaayay goolal badan kaga badin kooxda Rodgers ee ay da'yarku ka buuxeen. kooxahan ayaana iska dhaliyay 27 gool.


Arsenal Vs Anderlecht

Kooxda Anderlecht ayaa ka yaabsatay kooxda Arsenal oo isku haysatay inay guul raaxoleh ka gaadhayso kooxda Anderlecth. Arsenal ayaa u muuqatay inay ciyaarta dishay kadib markii ay daqiiqadii 60 aad ciyaarta ku hogaaminaysay 3:0, balse Anderlecht ayaa samaysay soo laabasho layaableh, waxayna Arsenal ka daba keeneen 3 gool oo darandoori ah.

Kooxda Arsenal ayaa gurigeeda Emirates Stadium ku soo dhawaysay kooxda Anderlecht, waxayna ku hamiyaysay inay guul kaga gaadho gurigeeda iyadoo ka faa’iidaysanaysa garoonkeeda iyo waliba jamaahiirteeda.

Arsneal ayaana ciyaarta ku bilaabatay dardar xoogleh, waxayna hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 25 kadib markii uuChancel Mbemba qalad ku galay Welbeck oo ku jira xerada ganaaxa Anderlecht, garsooraha ciyaarta ayaana tilmaamay inay rekoodhe tahay.Mikel Arteta ayaana rekoodhahaas gool u badalay, wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Gunners hogaanka kula wateegtay.arteta

Afar daqiiqo kadib ayuu Alexis Sanchez kooxdiisa Arsenal hogaanka u dheereerayay isagoo daqiiqdii 29 aad u dhaliyay gool aad u qurux badan. Sanchez ayaa markii hore soo tuuray laag xor ah balse kubbad ka soo booday ciyaartoyda Anderlecht ayuu si hoose ugu darbeeyay goolka Anderlecht sidaana wuxuu ku dhaliyay goolka labaad ee Arsenal , waxayna natiijada ciyaartu noqotay 2:0 ay Arsenal gacanta sare ku leedahay. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2:0 ay Arsenal ay ciyaarta ku hogaaminayso.Sanchez

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Arsenal halkii ka sii waday qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay ku bilaabtay qaybtii hore ee ciyaarta waxayna goolka saddexaad la timid daqiiqadii 58 aad waxaana markan shabaqa soo taabtayOxlade-Chamberlain. ciyaarta ayaana noqtay 3:0 ay Arsenal hogaanka ku dheeraysatay.chamberlain

Anderlecht ayaana dadaal badan samaysay waxayna goolkeeda kowaad la timid daqiiqadii 61 aad waxaana goolkaas udhaliyayVanden Borre,ciyaarta ayaana noqotay 3:1 ay wali Arsenal hogaanka ku hayso.Vanden_Borre_of_A

Daqiiqadii 73 aad ayay markale Anderlecht la timid goolka labaad waxaana goolkaas oo rekoodhe ahaa gool u badalay islaVanden Borre, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:2 ay Anderlecht ciyaarta ugu soo laabatay.Nacho Monreal ayaana masuul ka ahaa qaladka ay Anderlecht rekoodhaha ku heshay.sport

Kadib markii ay Anderlecht goolka labaad dhalisay ayuu Arsenal dheeli tirankii ka lumay waxayna Anderlecht daqiiqadii 90 aad ee dhamaadka ciyaarta la timid goolka barbaraha waxaana goolkaas ugu farayaraystayMitrovic ciyaarta ayaana noqotay barbaro 3:3 ah.Mitrovicc

Ugu danabayn Anderlecht oo u muuqatay inay guul daro wayn kala kulmayso kooxda Arsenal ayaa dhibic dahabi ah oo ay u dagaalantay ka heshay kulan loo haystay inay Arsenal badisay. haddii ay kulankii hore Arsenal daqiiqado gudahood guul kaga soo gaadhay Anderlecht ayay iyaduna markeeda wacdaro ka dhigtay Emirates Stadium, waxayna 30 daqiiqo gudahood ku dhaliyeen 3 gool , ciyaartaayaana ku soo dhamaatay barbaro 3:3 ah.wenger

Kooxda Dortmund oo ay Arsenal isku group yihiin ayaa iyadu iska xaadirisay wareega 16 balse Arsenal ayaa u baahan inay sugto kulamada shanaad ee Champions Leaquega kadib markii ay kooxda Arderlecht ka horjoogsatay guul ay sii go’aansaday inay gaadhay.arsenal

Real Madrid Vs Liverpool.real

Tababaraha Liverpool ee Rodgers ayaa aduunka ka yaabiyay kadib markii uu ciyaarta Real Madrid ka horkeenay kooxdii uu Capital One Cupka kala hortagay kooxda Swansea City, wuxuuna line upkiisa ku sameeyay todoba isbadal isagoo kursiga kaydka galiyay Ciyaartoyda kala ahJohnson, Gerrard, Henderson, Coutinho, Sterling iyo Balotelli.liver

Dhinaca Real Mardrid ayaa dhankeeda ku soo gashay line kii ugu adkaa, waxayna doonaysay inay xili horeba iska xaadiriso wareega 16 ka. Inasta oo ay Liverpool qaab ciyaareeda aan la filayn ay ku bilaabatay Santiago Bernabeu ayay haddana Real Madrid markasta ahayd kooxda halista ku haysay goolka Liverpool.

Daqiiqadii 27 ayuu Karim Benzema kooxdiisa Real Marid u dhaliyay gool aad u qurux badan, wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Real Madrid hogaanka ku qabatay. Marcelo ayaa kubbad halis ah u soo dhigay Benzema, waxaana qaladka goolkaas iska lahaa Kolo Toure oo ku guul daraystay inuu Benzema ka joojiyo goolkiisa.benzema

 

Cristaino Ronaldo oo ay indhaha caalamku eegayeen isla markaana la sugaayay inuu dhaliyo goolkiisa 71 aad ee Champions Leaquega kaas oo uu ku jabin lahaa rekoodhkii gool dhalinta ee Raul ayaa helay afar fursadood oo uu goolal ku dhalin kari lahaa balse Ronaldo ayaad moodaysay inay culays ku noqotay inuu goolka laga sugaayay dhaliyo qaybtii hore ee ciyaarta sidaana waxay qaybtii hore ee ciyaartu ku soo dhamaatay 1:0 ay Real Mardrid hogaanka ugu hayso.

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Liverpool ciyaarta ku soo laabtay iyadoo ka fiican sidii ay ahayd qaybtii hore ee ciyaarta, waxayana isku dayday inay goolka Real Madrid weerar ku soo qaado balse weerarkeeda ayaan ahayn mid halis galin karaayay difaaca Real Madrid.

Daqiiqadii 70 aad ayay Real Madrid ku sigay inay hesho goolkeeda labaad markaas oo Gareth Bale uu birta ka jaray kubbad aad u xoog badan. hal daqiiqo kadib ayuu haddana Ronaldo kooxdiisa ka qasaariyay fursad fiican oo loo dhigay laaga xorta ah meel udhaw goolka Liverpool.ronaldo2

Inkasta oo qaybtii danbe uu Rodgers ciyaarta soo galiayay Gerarrd, Sterling iyo Coutinho isla markana ay kubbad fiican ciyaareen ayay haddana ku guul daraysteen inay wax gool ah ka dhaliyaan Real Madrid, sidaana ciyaartu waxay ku soo dhamaatay 1:o ay Real Madrid guul kaga gaadhay Reds.gerrard and Sterling

Markii line Upka Liverpool la arkay wuxuu qofkastaaba filanaayay inay Real Madrid goolal badan ka dhalin doonto kooxda Liverpool osla markaana uu Ronaldo si sahlan u jabin doono rekoodhka Raul balse arintu sidaa way ka duwanaatay oo kooxdii loo dardaar warinayay ee uu Rodgers go’aanka adag ku qaatay ayaa ka difaac fiicnaatay kooxdii Liverpool ee Anfield ay Real Madrid qaybtii hore ee ciyaarta saddexda gool ka dhalisay.

Cristiano Ronaldo ayaa ku guul daraysatay inuu jabiyo rekoodhkii Raul, waxaana amaan ku leh difaaca iyo goolhayaha Liverpool oo fursado badan ka badbaadiyay.Markale ayay indhuhu habeen danbe ku jeedsan doonaan Lionel Messi oo isaguna Ronaldo kula tartamaya inuu rekoodhkaas Raul jabiyo. Waxaana lays waydiinayaa in Messi uu fursadaa uu Ronando u dayacay uu ka faa’iidaysan karo iyo in todobaado kale la sugi doono.Ronaldo

Real Madrid ayaa u soo baxday wareega 16ka kadib markii ay soo guulaysaay dhamaan afartii kulan ee ay Champions Leaquega heerkiisa Groupyada ciyaartay. Liverpool ayaa u baahan inay guulo ka gaadho kooxaha Ludogurets iyo Basel haddii ay doonayso inay baaqi ku sii ahaato Champions Leaquega.

Juventus Vs Olympaicos

Kooxda Juventus oo laba guuldaro oo hore kala soo kulantay kooxaha Atletico Marid iyo Olympiacos ayuu kulankani u ahaa mid ay waajib ku tahay inay badiso haddii ay doonayso inay baaqi ku sii ahaato Champions Leaquega.

Juvetnus oo carradeeda ka faa’iidaysanaysa ayaa ciyaarta ku bilaabatay dardar xoogleh waxayna sii ogayd in guul waxaan ahayna ayna soo celin doonin mooraalka jamaahiirteeda ay ku horciyaaraysay.

Daqiiqadii 21 aad ayuu Pirlo kooxdiisa Juventus u dhaliyay gool ku yimid laaga xorta ah oo cajiib ah, wuxuuna natiijada ciyaarta u badalay 1:0 ay Juventus ciyaarta hogaanka ugu qabatay.pirlo

Hogaanka ay Juventus ciyaarta u qabtay ayaan sii waarin waxayna Olympaicos la timid goolka barbaraha saddex daqiiqo kadib waxaana gool madax ah u dhaliyay Botia, ciyaarta ayaana noqtay barbaro 1:1 ah. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamatay barbaro 1:1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ayay ciyaartu sii shidantay waxaana goolka markan ku hormartay kooxda Olympaicos waxayna goolkaas u dhaliyayN’Dinga isagoo daqiiqadii 61 natiijada ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Olympiacos hogaanka kula wareegtay.

Markale ayuuna hogaanka Olympiacos noqon mid sii waara waxaana afar daqiiqo kadib kubbad madax ah ku darbeeyay goolka Olympaicos Fernando Llorente taas oo uu goolhaye Roberto iska sii dhaliyay. ciayarta ayaan noqotay barbaro 2:2 ah

Laba daqiiqo kadib ayay markale Juventus hogaaka la wareegtay waxaana goolka saddexaad oo ah kan ay Juventus guusha ku gaadhay u saxiixay Pual Pogba, ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 3:2 ay Juventu ku gaadhay guul ay aad ugu baahanayd.pogba

Natiijooyinka kulamadii Talaadada oo dhamaystiran:natiijo




contact@afkashacabka.com