Hordhaca Group F: Barcelona Iyo PSG Oo Haminaya Inay U Soo Baxaan Wareega 16ka Champions League

0
Wednesday November 05, 2014 - 14:34:25 in by Burco Office
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca Group F: Barcelona Iyo PSG Oo Haminaya Inay U Soo Baxaan Wareega 16ka Champions League

    FC Barcelona ayaa heli doonta weeraryahankii hore ee Ajax Luis Suarez kulanka ay u safrayaan Amsterdam halkaasoo ay ay ku xaqiijisan karaan booskooda wareega 16ka haddii ay guul labaad oo isku xigta ka gaaraan Ajax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FC Barcelona ayaa heli doonta weeraryahankii hore ee Ajax Luis Suarez kulanka ay u safrayaan Amsterdam halkaasoo ay ay ku xaqiijisan karaan booskooda wareega 16ka haddii ay guul labaad oo isku xigta ka gaaraan Ajax.

.


2168038_w2


Ajax ayaa iyadana dooni doonta inay ka aarsato Barcelona ka dib guuldaradii ku soo gaartay Camp Nou iyadoo uu ka horimaanayo wiilkoodii hore Luis Suarez kaasoo markii ugu horeysay Champions League u ciyaari kara kooxda reer Catalan.

Barcelona ayaa u soo bixi doonta wareega 16ka haddii ay ka badiyaan Ajax islamarkaana APOEL ay ku guuldareysato inay ka badiso PSG kulanka kale ee Group F, dhanka kale Ajax waxa ay u baahan tahay ugu yaraan hal dhibic si ay ugu sii jiraan tartanka wareega group-yada, guuldarro soo gaarta waxa ay ka dhigeysaa inay ka haraan Champions League.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Ajax:Cillessen; Van Rhijn, Veltman, Moisander, Boilesen; Klaassen, Serero, Riedewald; Schöne, Sigthórsson, El Ghazi.

Waxaa ka maqan:Fischer (muruqa bowdada)

Barcelona:Ter Stegen; Alves, Mascherano, Piqué, Adriano/Alda; Busquets, Rakitić, Xavi; Luis Suárez, Messi, Neymar.

Waxaa ka maqan:Iniesta (kubka), Mathieu (kubka), Sergio Roberto (lugta), Vermaelen (taam ma ahan)

Waxaa shaki ku jiraa:Jordi Alba (lama oga sababta)

 

2169671_w2

Paris Saint-Germain iyada waxaa ku filan inay guul ka gaarto APOEL si ay u xaqiijistaan booskooda wareega 16ka Champions League.

Kooxda ka dhisan Ligue 1 ayaa 1-0 kaga badosay APOEL labo isbuuc ka hor taasoo keentay inay hogaanka u qabtaan Group E, guul kale oo ay gaaraan waxa ay ka dhigeysa ainay u soo baxaan wareega 16ka haddii Ajax ay ku guuldareysato inay Barcelona ku garaacdo Amsterdam.

SHAXDA MACQUULKA AH:

PSG:Sirigu; Maxwell, Thiago Silva, David Luiz, Van der Wiel; Cabaye, Matuidi, Thiago Motta; Lucas ama Pastore, Cavani, Lavezzi.

Waxaa ka maqan:Ibrahimović (ciribta), Verratti (lugta)

APOEL:Pardo; Mário Sérgio, Carlão, João Guilherme, Riise; Efrem, Nuno Morais, Vinicius, Alexandrou; De Vincenti; Sheridan.

Waxaa ka maqan:Charalambides (cagta), Papafotis (lama oga sababta)



contact@afkashacabka.com