Mareykanka oo cunaqabateyn saaray saraakiil ka tirsan maxkamadda ICC

0
Thursday September 03, 2020 - 09:52:18 in by salman abdi
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo cunaqabateyn saaray saraakiil ka tirsan maxkamadda ICC

    Mareykanka oo cunaqabateyn saaray saraakiil ka tirsan maxkamadda ICC

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka oo cunaqabateyn saaray saraakiil ka tirsan maxkamadda ICC

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabateyn kusoo rogtay saraakiil sar sare oo ka tirsan maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC, kuwaasoo ay ku jirto dacwad oogaha guud ee maxkamaddaas, Fatou Bensouda.

Xog-haya Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa maxkamadda ku eedeeyay "inay si sharci darro ah isugu dayeyso inay u maxkamadeyso muwaadiniin Mareykan ah".

ICC, oo uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa hadda baadhitaan ku wadda arrimo la xidhiidha in ciidamada Mareykanka ay dambiyo dagaal ka geysteen gudaha dalka Afghanistan.

Xukuumadda Washington ayaase maxkamaddan dhaliilayay in tan iyo markii la aasaasay ay, wuxuuna ka mid yahay dhowr iyo toban waddan oo aan saxiixin heshiiskii caalamiga ahaa ee lagu hirgaliyay maxkamaddan.

Qaramada Midoobay ayaa maxkamadda ICC abuurtay sanadkii 2002-dii, waxaana tan iyo markaas ay caddaaladda horgeysay dad badan oo mas'uul ka ahaa xasuuqyo, tacaddiyo ka dhan ah bani'aadannimada iyo dambiyo dagaal.

Waxay ICC-du faragalin sameysaa marka ay waddamadu awood u yeelan waayaan ama diidaan maxkamadeynta dadka lagu eedeynayo dambiyada dagaalka.

Heshiiska lagu hirgaliyay amxkamaddan waxaa hoosta ka xariiqay 123 waddan, oo ay ku jirto UK. Laakiin Mareykanka iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya iyo Ruushka ayaa ku gacan seydhay.

Waddamo ka tirsan qaaradda Afrika ayaa iyana maxkamaddan ku eedeeyay inay si gaar ah diiradda u saarto dadka reer Afrika oo kaliya.

Horaantii sanadkii lasoo dhaafay, ayuu Mareykanka dal ku galka kala noqday Fatou Bensouda.

Maxay tahay cunaqabateyntu?

Fatou Bensouda waxay kasoo jeeddaa dalka Gambia
Qoraalka sawirka,

Fatou Bensouda waxay kasoo jeeddaa dalka Gambia

Madaxweyne Donald Trump ayaa wareegto soo saaray bishii June, taasoo oggolaaneysa in Mareykanku uu xayiraad kusoo rogi karo hantida shaqaalaha maxkamadda ICC iyo in laga hor istaagi karo soo galitaankooda dalka Mareykanka.

Mr Pompeo, oo maanta warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Ms Bensouda iyo Phakiso Mochochoko, oo isagana madax ka ah waaxda amarrada dhinaca xukunka ee maxkamadda labadoodaba lagu cunaqabateeyay amarka kasoo baxay madaxweynaha.

Isagoo maxkamadda ku tilmaamay "mid burburtay oo uu musuqmaasuq hareeyay", ayuu Pompeo ka digay in shakhsiyaadka kale ee "taageerada u muujiya ay iyaguna wajihi doonaan cunaqabateyno".

Markii uu madaxweyne Trump wareegtada soo saaray, maamulka maxkamadda caalamiga ah waxay ku tilmaameen tallaabo kale "oo halis ah", oo ka dhan ah maxkamadda.

Maxay baadheysaa ICC?

Maxkamadda Dambiyada caalamiga ah ayaa billowday baadhitaan ku aaddan eedeymo muujinaya in milatariga Mareykanka iyo kuwa ay xulafada yihiin ay xad-gudubyo ka geysteen dalka Afghanistan, horaantii sannadkan.

Sida lagu xusay hannaanka sharciga ee ICC, maxkamaddu waxay amar kusoo saari kartaa in lasoo xidho ama loo yeesho eedeysaneyaasha, islamarka lasoo afjaro caddeymaha loo raadinayo eedeymahaas.

Markaas kaddib waxay garsooreyaashu go'aan ka gaadhi doonaan in caddeymaha la helay ay ku filan yihiin in dacwad la furo