Twitter Oo Lagu Amaanay Kolo Toure: Wuxuu Jeeb Ku Ritay Weeraryahanadii Real Madrid. (Sawiro)
.
Xalayto Brendan Rodgers waxa uu maciin biday Kolo Toure. Mid ka mid ah masraxyada ugu weyn waxa uu ku soo darsaday daaficiisii ka hortagay Real Madrid.
Markii lagu dhawaaqay shaxda Liverpool, jamaahiirta waxa ay noqdeen kuwa walwalsan, Twitter waa lagu maadeysanayay, kubada cagta Ingariiskana waxa ay isku diyaarineysay in lagu xasuuqayo Bernabeu. Wixii soo baxayse waxa ay ahaayeen wax uusan qof walba filaneynin.
Kolo Toure ayaa dib u jaleecday waayihiisii ciyaareed waxaana uu aamusiyay mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican dunida. Ronaldo, James, Modric, Kroos iyo Bale dhamaantood jeebka ayuu gashayday.
Twitter ayaana jeclaaday qaab ciyaareedkii Kolo Toure ee xalayto, waxaana ka mid ah waxyaabihii lagu soo qoray sida tan:
"Haha sawikaan waa sawir weyn. Ronaldo waa uu dhaafi wayay Kolo Toure, waxaana uu u muuqday inuu ku jiro jeebkiisa.”
"Yaa kooxdiisa ay ka soo bixisay 70 milyan euros islamarkaana dhibane u noqday Kolo Toure?”
Funny Football ayaa ku tilmaamay Toure inuu xalay ahaa nin adag oo la dhaafi karin iyagoo soo qaatay sawirka darbi islamarkaana qoray: "Waa sida uu Kolo Toure ahaa caawa.”
"Kolo Toure oo la arkay isagoo ka tagaya Bernabeu ka dib ciyaartii Real Madrid! #KoloFacts”
Akoonka maadeysiga kubada cagta ee BBC Sporf ayaa iyagana soo qoray:
"BAAFIN: Waxaa la baafinayaa Cristiano Ronaldo, markii cidi ugu wardanbeysay waxa uu ku jiray jeebka Kolo Toure.”
Twitter Oo Lagu Amaanay Kolo Toure: Wuxuu Jeeb Ku Ritay Weeraryahanadii Real Madrid. (Sawiro)
Ronaldo waxa uu soo kacayaa saaka isagoo rajeynaya inay xalay u aheyd kaliya riyo xun. Ma waxaa jeebka gashaday Kolo Toure? Twitter ayaa arintaas xalay ilaa iyo maanta lagu hadal hayaa