Hordhaca Group G: Chelsea Oo Indhaha Ku Heysa Wareega 16ka Champions League.
Guushaan 6-0 ayaa ka dhigtay kooxda reer London inay Group-ka ku hogaamiso todoba dhibcood iyagoo labo dhibcood ka sareeya kooxda FC Schalke.
Kooxda Jose Mourinho ee Chelsea ayaa u soo bixi karta wareega 16ka haddii ay ka badiyaan kooxda Maribor islamarkaana Schalke aysan guuldarro ka soo gaarin kooxda Sporting.
SHAXDA MACQUULKA AH:
Maribor:Handanovič; Stojanovič, Rajčevič, Šuler, Viler; Vršič, Mertelj, Filipović, Bohar; Ibraimi, Tavares.
•Waxaa ka maqan:Mejač (muruqa)
Chelsea:Čech; Azpilicueta, Zouma, Cahill, Filipe Luis; Matić, Fabregas, Ramires, Salah, Schürrle; Drogba.
•Waxaa ka maqan:Remy (gumaarka)
•Waxaa shaki ku jiraa:Diego Costa (muruqa)
FC Schalke 04 ayaa guusheedii ugu horeysay ee Group G gaartay labo isbuuc ka hor, haatan waa waqtigii Sporting Clube de Portugal ay iyadana markeeda raadin laheyd guusheedii ugu horeysay marka ay caawa labada kooxood ku kulmaan Lisbon.
SHAXDA MACQUULKA AH:
Sporting:Patrício; Cédric, Sarr, Paulo Oliveira, Jonathan Silva; William, Adrien, João Mário; Nani, Slimani, Carrillo.
•Waxaa maqan:Maurício (ganaax)
Schalke:Fährmann; Uchida, Höwedes, Neustädter, Aogo; Höger, Kirchhoff; Choupo-Moting, Boateng ama Mayer, Obasi; Huntelaar.
•Waxaa maqan:Draxler (muruqa), Kolašinac (jilibka), Farfán (jilibka), Giefer (gumaarka), Matip (cagta), Goretzka (taam ma ahan), Santana (taam ma ahan)
•Waxaa shaki ku jiraa:Sam (bowdada), Boateng (canqowga)
contact@afkashacabka.com
Hordhaca Group G: Chelsea Oo Indhaha Ku Heysa Wareega 16ka Champions League.
Labo isbuuc ka hor markii 6-0 looga soo badiyay kulankii Stamford Bridge, NK Maribor ayaa martigelineysa Chelsea kuwasoo hogaanka u haya Group G islamarkaana shan dhibcood ka sareeya kooxda reer Slovenia oo kaalinta seddexaad kaga jirta group-ka.