Doomo Trump lagu taageerayey oo qarqoomay

0
Sunday September 06, 2020 - 09:57:31 in by salman abdi
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doomo Trump lagu taageerayey oo qarqoomay

    Doomo Trump lagu taageerayey oo qarqoomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doomo Trump lagu taageerayey oo qarqoomay

Dhowr doonyood ayaa ku degay haro ku taal gobolka Texas ee dalka Mareykanka intii lagu guda jiray dhoolatus lagu taageerayay madaxweyne Donald Trump doorashada dhici doonta November, sida ay saraakiishu sheegeen.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in mawjadaha iyo kacsanaanta haradu ay u badan tahay inay sababeen markabbo fara badan oo kusii jeeday harada Lake Travis, oo u dhaw caasimada gobolka, Austin.

Sawirro laga soo qaaday ayaa u muujinayey doomo wata calanka ololaha Trump oo ka dhaqaaqaya aafaafka haradaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dadkii saarnaa laga badbaadiyay biyaha, aysanna jirin cid wax ku noqotay.

Dabbaaldeggan, oo loogu magac daray Lake Travis Trump Boat Parade, ayaa laga abaabulay Facebook, in ka badan 2,600 oo qof ayaa isku calaamadeeyay inay ka soo qeyb galeen.

A boat is engulfed in waves from the large wakes of a flotilla of supporters of US President Donald Trump
 
Boats take part in a parade of supporters of US President Donald Trump on Lake Travis near Lakeway
Qoraalka sawirka,

Waxaa soo agaasimay taageerayasha Trump

Baadhitaan ayaa la bilaabay mana jiraan wax caddeyn ah oo ku saabsan in falkaasi u dhacay si ulakac ah, ayay tidhi af hayeenka Xafiiska Travis County, Sheriff Kristen Dark.

"Waxaan ka jawaabnay wicitaanno badan oo doomaha dhibaataysan ah, dhowr ka mid ahna ay degeen," ayay tidhi. "Doonyo aad u tiro badan ayaa maanta joogay harada ... Markii ay dhammaantood bilaabeen inay hal mar wada socdaan, waxay abuurtay hirar waaweyn."

Dhacdadu waxay dhacday abbaare 12:00 (17:00 GMT) Sabtidii, usbuuca dhammaadka Maalinta Shaqaalaha ee Mareykanka. Wararka ayaa sheeegaya in doomaha laga codsaday inay ku kaxeeyaan 10mph (16km / saacaddii).

Paul Yura, oo ka tirsan Adeegga Cimilada Qaranka ee Austin / San Antonio, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in aysan jirin wax duufaanno ah oo ka dhacay aagga xilligii dhoollatusku socday.