Al-Shabaab oo qabsatay bartamaha magaalada Balcad iyo Khasaraha Ka Dhashay.

0
Tuesday September 08, 2020 - 09:57:10 in by salman abdi
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo qabsatay bartamaha magaalada Balcad iyo Khasaraha Ka Dhashay.

    Al-Shabaab oo qabsatay bartamaha magaalada Balcad iyo Khasaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab oo qabsatay bartamaha magaalada Balcad iyo Khasaraha Ka Dhashay.

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay xoog ku galeen magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen magaalada Balcad oo qiyaastii 30km waqooyiga uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidankaas ayaa la sheegayaa inay markiiba la wareegeen xarumihii dowladda hoose ee magaalada, sida xarunta dhexe ee maamulka iyo saldhiggii booliskaba.

Ciidammada dowladda ee halkaas ku sugnaa oo markii hore iska caabiyay ciidammada weerrarka ahaa ayaa la sheegayaa in markii dambe ay dib uga gurteen daanta ay magaalada ka deggan yihiin ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaar ka mid ah dadka magaaladaasi ayaa sheegaya in bartamaha magaalada ay ku arki karaan ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaas ka imanayaa ayaa waxa ay tibaaxayaan in Shabaab xabsigii magaalada ku yaallay ay dad badan oo maxaabiis ah ay ka sii daayeen.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkii magaalada ka dhacay markii ciidammada Shabaabku ay magaalada soo galayeen, hasayeeshee xaaladda magaalada ayaa haatan deggan.

Ciidammada Al-Shabaab ee magaalada soo weerraray ayaa weli ku sugan bartamaha magaalada Balcad iyo kontoroolka looga baxo dhinaca magaalada Jowhar lagu arki karo dagaalyahanno ururka Shabaab ka tirsan.

Magaalada Balcad waa magaalo istaraatiiji ah, waxa ayna ka tirsan tahay gobolka Shabeellaha Dhexe. Waqooyiga ayey 30km uga beegan tahay magaalada caaasimadda ah ee Muqdisho.

Markasta oo ay Shabaab yimaadaan ama qabsadaan magaaladaasi ayaa waxa ay uga dhigan tahay in ay awooddoodii ay weli nooshahay, oo dad badan ayaa sheegaya in weerrarkan uu ismuujin yahay.

Arrintaas oo cadaadis ku ah dowladda iyo ciidammada Midowga Afrika ee taageera mar haddii ay Shabaab bartamihii magaalada ay maanta joogaan.

Sanadkii hore ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerrar ku ekeeyeen magaalada, markaas oo ay qabsadeen inta badan magaalada, arrintaas oo la sheegayo in aanay waxba ka baran ciidammada dowladda ee magaaladaasi.