Tallaalka Corona ee jaamacadda Oxford oo hakad la galiyay iyo dad lagu tijaabiyay oo ku xanuunsaday

0
Wednesday September 09, 2020 - 09:29:41 in by salman abdi
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tallaalka Corona ee jaamacadda Oxford oo hakad la galiyay iyo dad lagu tijaabiyay oo ku xanuunsaday

    Tallaalka Corona ee jaamacadda Oxford oo hakad la galiyay iyo dad lagu tijaabiyay oo ku xanuunsaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tallaalka Corona ee jaamacadda Oxford oo hakad la galiyay iyo dad lagu tijaabiyay oo ku xanuunsaday

Tijaabo lagu sameeynayay talaalka feyriska Corona ayaa la hakiyay guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay.

Waa markii labaad oo hakad la galinayo talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabadani talaal la dhigay isbataal islamarkana baaritaan madaxbanaan lagu sameyn doono.

Waxaa uu afhayeenka intaa ku daray in seynisyahanadani ay ka go'an tahay inay mudnaanta siiyaan badqabka dadwaynaha.

In ka badan 10'000 oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka UK iyo dalal kale ayaa ka qeyb galay tijaabada talaalkani.

Waxaa sidoo kale talaalkan tijaabadiisa ka qeyb galay muwaadiniinta dalalka Koonfur Afrika, Brazil iyo Mareykanka.

Waxaa guud ahaan caalamka ay shirkadaha iyo dowladaha u kala cararayaan sidii loo soo saari lahaa talaal looga hortago feyriska fara'aha ba'an ku haya caalamka ee Corona.

Waxaa caalamka guud ahaan imika tijaabo ku jira 30 tallaalka looga hortagayo feyriska Corona oo ay wadaan shirkado iyo Seynisyahano kala duwan.

Balse tijaabada tallaalka ee ay waddo jaamacadda Oxford ayaa la rumaysan yahay in uu yahay midka ugu hormarsan.

Halkee marayaa baadi-goobka loogu jiro helidda talaalka?

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu doonayo in talaalka feyriska Corona uu diyaar noqdo ka hor doorashada 3 bisha November.

Balse hadalkiisa ayaa waxaa ka dhashay walaac ku aadan in laga yaabo in mudnaanta la siiyay siyaasadda oo aan la eegin badqabka talaalka.

Talaadadii koox shirkado ah oo ka kooban 9 islamarkana ku howlan sameynta tallaal Covid-19 ayaa dadwaynaha u xaqiijiyay iyaga oo ku dhawaaqay "ballanqaad taariikhi ah " oo ku saabsan in la dhowri doono anshaxa tayada iyo heerka marka la baadigoobayo talaalka.

Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in ku dhawaad 80 nooc oo talaal ah la tijaabiyay guud ahaan caalamka, balse dhammaantood aan wai la dhameystirin.