Maxaa laga filan karaa wadahadalada Taliban iyo dowladda Afqanistaan

0
Saturday September 12, 2020 - 10:31:02 in by salman abdi
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa laga filan karaa wadahadalada Taliban iyo dowladda Afqanistaan

    Maxaa laga filan karaa wadahadalada Taliban iyo dowladda Afqanistaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa laga filan karaa wadahadalada Taliban iyo dowladda Afqanistaan

Wadahadaladii rasmiga ahaa ee ugu horeeyya ee u dhaxeeya dowladda Afqanistaan iyo kooxda Taliban ayaa lagu wadaa in maanta ay ka bilaabmaan caasimada dalka Qadar ee Doxa.

Madaxa ergada, Dr Abdullah Abdullah, ayaa qoraal uu soo dhigay barta tweetar-ka waxaa uu ku sheegay inay doonayaan "nabad waarta oo sharaf ku dhisan".

Mareykanka ayaa door muhiim ah ka ciyaaray wadahadaladan oo qeyb ka ahaa heshiis laba geesood ah oo bishii February ay Taliban la saxiixdeen.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku tilaamay kulanka maanta lagu wado in uu dhaco "mid taariikhi ah "

Pompeo ayaa qudhiisa ku sugan magaalada Doxa si uu uga qeyb galo xafladda furitaanka wadahadalada labada dhinac.

Maxaabiis Taliban ka tirsan oo xabsiga laga siidaayay

Maxaa laga filan karaa wadahadalada

Waa wadaxaajoodkii ugu horeeyay oo si toos ah u dhexmara kooxda Taliban iyo dowladda Afqanistaan.

Kooxda Taliban ayaa horey u diidi jirtay inay wadahadal la galaan dowladda Afqanistaan oo ay ku tilmaami jireen kuwa aan awood lahayn oo "daba dhilif u ah " Mareykanka.

Labada dhinac ayaa waxay wadahadaladooda uga gol leeyihiin in la helo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro colaadda muddada dheer ka socotay dalka Afqaanistaan oo bilaabatay xilligii soofiyeetka ay soo galeen sanaddii 1979.

Wadaxaajoodkan ayaa lagu waday inay bilaabmaan, bishii march, balse waxaa ku yimid dib u dhac ka dib markii uu muran ka dhashay iswaydaarsiga maxaabiista oo qeyb ka ahaa heshiiskii ay bishii February gaareen Mareykanka iyo Taliban.

Waxyaabaha horey ay ugu heshiiyeen Mareykanka iyo kooxda Taliban waxaa ka mid ahaa in Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxo dalka Afqaanistaan.

Wadahadaladan ayaa waxay caddeyn u yihiin sida kooxda Taliban ay isu badaleen tan iyo sanaddii 1990 oo dalkaasi ay gacan bir ah ku xukumayeen.