Giriiga oo hub soo iibsanaya iyo xiisadda kala dhexeeysa Turkiga oo cirka isku shareertay

0
Sunday September 13, 2020 - 08:58:13 in by salman abdi
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Giriiga oo hub soo iibsanaya iyo xiisadda kala dhexeeysa Turkiga oo cirka isku shareertay

    Giriiga oo hub soo iibsanaya iyo xiisadda kala dhexeeysa Turkiga oo cirka isku shareertay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Giriiga oo hub soo iibsanaya iyo xiisadda kala dhexeeysa Turkiga oo cirka isku shareertay

Xukumadda Giriiga ayaa ku dhawaaqday in ay hub dheeraad ah soo iibsanayso xilli xiisadda kala dhaxeeysa Turkiga ay cirka isku sii shareerayso.

Hubka ay soo iibsanayaan waxaa ka mid ah 18 ah diyaaradaha dagaalka Faransiisku uu sameeyo ee nooca yaqaano Rafale.

Rai'sul wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis ayaa sheegay in sidoo kale ay soo iibsanayaan 4 Markab oo kuwa dagalka iyo 4 diyaaradood oo ah nooca Helkoptarada ee ay adeegsadaan ciidamada badda.

Rai'sul wasaraha Giriiga ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay kordhin doono tirada ciidamada dalkaasi.

"Waxaa la joogaa xilligii la xoojin lahaa cidamada qalabka sida," waxaa sidaasi sheegay madaxwaynaha Giriiga Mr Mitsotakis.

Giriiga ayaa sidoo klae qorshaynaya in uu soo iibsado hubka lidka taagiyada iyo gantaalada difaaca cirka.

Xiisadda u dhaxeeysa Turkiga iyo Gariigga ayaa cirka isku sii shareereysay taasi oo ku saabsan Turkiga oo sahmin shidaal ka wada bariga badda Mediterranean-ka.

Xukuumadda Turkiga aya dhawaan Markab Shidaal iyo Gaas ka baara u dirtay goobo ay ku muransan yihiin Giriiga.

Labadan dal oo ka wada tirsan gaashaanbuurta Nato ayaa waxay labaduba sheeganayan lahaanshiyaha goobaha shidaalka laga baarayo taasi oo sababtay cabsi imika laga qabo in xiisadda ay sii kululaato.

Midowga Yurub oo ay Gariiga xubin ka yihiin ayaa horey ugu baaqay wadaxaajood.

Balse madaxwayanha Fransiiska ayaa dhawaan si kulul uga hadlay xiisadda labada dhinac isaga oo sheegay in waxa ay Turkiga wadaan aan la aqbali Karin.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP Giriiga ayaa gaashaandhiga ku bixinaya lacagtii ugu badnayd muddo 20 sano ah.

Dhanka kale xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in dalkiisa uu ka walaacsan yahay howlaha ay Turkiga ay shidaalka iyo Gaaska kaga baarayaan biyaha bariga Mediterranean-ka ee ay jasiiradda Qubrus sheegto in ay leedahay.

Mr Pompeo ayaa waxaa uu ka hadlayay caasimadda Qubrus, Nicosia, halkaasi oo uu wadahadalo kula yeeshay madaxwayne Nicos Anastasiades.

Labada dhinac ayaa waxay ka wadahadleen xiisadda gobolka ee u dhaxeeysa Turkiga, Giriga iyo jasiiradda Qubrus.