"Arimaha doorashooyinka, Dimuqraadiyada, Qaddiyadda Somaliland iyo warbixinaha guud ee Somaliland ayaanu ka wada hadalay" Guddomiye Cirro

0
Wednesday November 05, 2014 - 19:04:34 in by salman abdi
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Arimaha doorashooyinka, Dimuqraadiyada, Qaddiyadda Somaliland iyo warbixinaha guud ee Somaliland ayaanu ka wada hadalay" Guddomiye Cirro

    Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Qadhaan Bixiyayaasha Taageera Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Qadhaan Bixiyayaasha Taageera Somaliland.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada iyo Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa sheegay inay arimaha doorashada iyo dimuqraadiyada kala hadleen wefti ka socday Beesha Caalamka ee gacan siisa Somaliland.


Weftiga oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Somaliland ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay dhinacyada Somaliland ee doorashadu khusayso,waxaanu sheegay Gudoomiye Cirro inay kala hadleen weftiga guud ahaan arimaha doorashada iyo qaddiyada Somaliland

Gudoomiye Cirro oo u jeedada weftigan ka hadlaya waxa uu yidhi "Sida aad ka warqabtaan waxaa Isniintii iyo Salaasadii joogay Wefti balaadhan oo ka socda Beesha Caalamka,gaar ahaana Qaadhaan bixiyeyaasha gacanta  ka siiya Somaliland xaga Dimuqraadiyada iyo xaga horumarkaba.markaa Weftigaasi wuxuu u socday guud ahaan arimaha Somaliland oo ay ka mid yihiin,Doorashooyinka,Diwaangalinta Codbixiyaha iyo deeqaha la siiyo Somaliland”

Gudoomiye Cirro wuxuu ka hadlay waxyaabaha ay ka wada hadleen"Waanu is aragnay,waxaanuna kala hadlay oo iyaguna nooga war bixiyeen guud ahaan arimaha doorashooyinka iyo diwaangalinta iyo dhamaan arimaha Somaliland khuseeya,hadday tahay Sanduuqa horumarinta Somaliland oo dawladdo aan hore ugu jiri jirini ku soo biireen oo markii hore wuxuu Sanduuqu ka koobnaa Ingiriiska iyo Denmar,haddana waxaa ku soo biiray dawladdo ay ka mid yihiin Holand,Jarmal-ka iyo Norway.markaa Guud ahaan Arimaha doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada,arimaha qaddiyadda Somaliland iyo warbixinaha guud ee Somaliland ayaanu ka wada hadalay” ayuu yidhi Mr Cirro

Weftigan ayaa la filayaa inuu isku soo dhaweeyo Xukumadda iyo Mucaaradka si aada ugu kala tagan Diyaar garowga doorashada ka dib markii muran ka dhashay Xeerka diwaangalinta iyo Ansixinta Komishanka doorashada dhici doonta badhtamaha sanadka soo socda. 



Contact@afkashacabka.com