Madaxweynaha Faransiiska, oo Sheegay in uu Madaxweynihii Xilka ka Degay ee Burkina Faso Blaise Compaore Kula taliyay in uu u Baxsado Dalka Ivory Coast.

0
Wednesday November 05, 2014 - 19:10:11 in by salman abdi
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Faransiiska, oo Sheegay in uu Madaxweynihii Xilka ka Degay ee Burkina Faso Blaise Compaore Kula taliyay in uu u Baxsado Dalka Ivory Coast.

    Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka caawiyay madaxweynihii xilka ka degay ee Burkina Faso Blaise Compaore in uu u baxsado dalka Ivory Coast.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka caawiyay madaxweynihii xilka ka degay ee Burkina Faso Blaise Compaore in uu u baxsado dalka Ivory Coast.


Mr Hollande ayaa sheegay in Compaore ay kula taliyeen in uu xilka iska wareejiyo, ayna arrintaa kala tashadeen dalal Afrikaan ah.

Madaxweyne Hollande ayaa warkan shaaciyay isaga oo booqasho ku maraya dalka Canada.

Compaore ayaa xukunka ka degay kaddib markii dibad baxyo ballaaran ay ka dhaceen isku day oo ku doonayay in uu mudada xukunkiisa ku kordhisto.

Waxa uu Burkina Faso u talinayay 27 sano.

Midowga Afrika ayaa u qabtay ciidammada Burkina Faso ee xukunka qabsaday in mudo 2 todobaad ah ay xilka ugu wareejiyaan dowlad shacab ah ama ay cunaqabateyn fishaan.

Contact@afkashacabka.com