Laurent Gbagbo oo loo diiday inuu madaxtinnimada u tartamo Dalka Ivory Coast

0
Tuesday September 15, 2020 - 10:24:03 in by salman abdi
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laurent Gbagbo oo loo diiday inuu madaxtinnimada u tartamo Dalka Ivory Coast

    Laurent Gbagbo oo loo diiday inuu madaxtinnimada u tartamo Dalka Ivory Coast

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laurent Gbagbo oo loo diiday inuu madaxtinnimada u tartamo Dalka Ivory Coast

Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Ivory Coast ayaa ka diidday madaxweynihii hore ee dalkaas, Laurent Gbagbo, iyo ra`iisul wasaarihii hore, Guillaume Soro, inay u tartamaan doorashada dhici doonta bisha soo socota.

Guddiga doorashooyinka ayaa hore u sheegay in ced walba oo lagu helo inay dembiyo hore u gashay aan laga yeeli doonin tartanka doorashada.

Labadan nin ayaa hore eedeymo loogu soo oogay.

Mar sii horreysayna, dibadbaxyo ayaa ka dhacay dhowr magaalo kuwaasoo looga soo horjeedo go`aanka Madaxweyne Alassane Ouattara uu ku gaaray inuu mar saddexaad u tartamo doorashada, taas oo uusan oggoleyn dastuurka Ivory Coast.

Shan iyo toban qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhashay dibadbaxyada, tan iyo intii uu bishii hore ku dhawaaqay inuu mar kale tartami doono.

Go`aankan ayuu qaatay kaddib markii ninkii uu u doortay inuu beddelo uu si kama` ah u geeriyooday bishii July.