Dhalinyarada Abaabulaysa Shirka Cadaadley oo xalay guryahooda loogu daatay, kuna baaqay inaan shirkoodala siyaasadayn xilli ay shegen inay ku samaynayaanDallad siyaasadeed oo dhalinyarp
- Visits: 558
- (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Ciidamada Ammaanka ayaa xalay guryahooda ugu daatay qaar ka mid ah dhallinyarada ku mashquulsan qabashada shirweynaha dhallinyarada Somaliland ee qorsheysan inuu ka qabsoomo degmada Cadaadley ee gobolka Maroodi-jeex.
Dhallinyarada ay ciidamadu u daateen oo shir jaraa’id ku qabtey Hargeysa ayaa faahfaahiyey wixii kala qabsaday ciidamada u daatay iyo aragtida ay ka qabaan tallaabadaasi oo ah sharci daro sida ay sheegeen.
"Anigu waxaan ka mid ahaa dhallinyarada ay xalay askartu u daadatey, markay ii soo galeen waxaan waydiiyey laba su’aalood oo kaliya, ma sidataan warqad aad igu xidhaysaan, ma sidanno ayay igu yidhaahdeen ee noo soo bax, dabadeedna waan ka baxsaday” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dhallinyarada ciidanku u daatay, waxaanu intaasi ku daray "Waxaanu ku baaqeynaa inaan shirka dhallinyarada Somaliland la siyaasadeynin, waa inaan loo arag dhallinyaradu inay dalka fowdo galinayaan, sida wasiirka arrimaha gudaha wado” ayu yidhi
Dhallinyaradaasi ayaa sheegay in shirka cadaadley lagaga tashanayo arrimaha ay ka mid yihiin tahriibka dhallinyarada sidii loo joojin ahaa ee dhallinyarada aqoonyahanka ah loo jihayn lahaa, hase ahaatee aanay wadin dhibaato kale
Masuuliyiinta dawladda ayaan weli ka hadal sababta ciidamada loogu diray dhallinyarada abaabulaya shirweynaha cadaadley, oo sida hadalkooda ka muuqata lagaga tashanayo wax dan u ah dhallinyarada guud ahaan reer Somaliland.
Contact@afkashacabka.com