Akhri: Waxyaabaha Salka u ah Khilaafka Xooggan ee HCTV iyo Xukuumadda soo dhex galay iyo Wararkii weriyasha Hargeysa so Bandhigi jireen oo Nayrobi iyo Muqdisho laga so codeeyey

0
Wednesday November 05, 2014 - 19:47:25 in by salman abdi
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri: Waxyaabaha Salka u ah Khilaafka Xooggan ee HCTV iyo Xukuumadda soo dhex galay iyo Wararkii weriyasha Hargeysa so Bandhigi jireen oo Nayrobi iyo Muqdisho laga so codeeyey

    Mulkiilaha TVga Farxaan Xaji Cali ayaa xukuumaddu ku dartay liiska dad shacab ah oo guryo kaga jira dawladda oo guryihii dawladdu u baahatay, waxana amarka guriga lagaga saaray farxaan xaji cali bixisay wasaaradda hawlaha guud taasoo sal u noqotay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mulkiilaha TVga Farxaan Xaji Cali ayaa xukuumaddu ku dartay liiska dad shacab ah oo guryo kaga jira dawladda oo guryihii dawladdu u baahatay, waxana amarka guriga lagaga saaray farxaan xaji cali bixisay wasaaradda hawlaha guud taasoo sal u noqotay in mulkiilaha HCTV ka xanaaqo Saarista ay xukuumaddu kaga saartay gurigii u degenaa, maadaama muddo xidhidh wanaagsani ka dhexeeyey xukuumadda iyo HCTV. Sida ay Dhowaan Baahisay Shebekedda Caynabanews Telefishanka Madax banaan ee HCTV oo Muddooyinkii Ugu dambeeyay Xidhiidh dhow la
 
lahaa Xukumadda Xisbiga Kulmiye ayaa Haatan bilaabay inuu Heshiiskaasi Ka Baxo waxaanna La filayaa inuu Tv-ga Mucaarad xoogan ku Noqdo Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Khilaafka soo Kala Dhexgalay Madaxda Ugu Saraysa Telefeshanka Horn Cable iyo Xukumadda ayaa la sheegay inuu salka ku Hayo Mashaariic Telefishanka Xukumaddu ku Naasnuujisay jirtay oo laysku Afgaran wayay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Wacyi diiwaangalinta Madaniga ah .

Khilaafkani ayaa siddoo kale Sababay in Gurigii dowladda laga saaro Mulkiilaha Telefishan Mudane Farax Xaaji Cali oo ku Yaalay Xaafadda Shacabka Agaagarka Kaalinta Total taasi oo sii Kordhisay Khilaafka Xukumadda iyo Tv-ga Madaxbanaan ee Horn Cabdle Tv.

Madaxda Tv-ga Caalamiga ah ee Horn Cable ayaa Haatan ku sugan Magaaladda Mugdisho gaar ahaan Agaasime Maxamed Cabdi Ilig iyo Farax Xaaji Cali si ay uga gaashaantaan in dib loo xidho Xaruntooda Magaaladda Hargeysa waxaana La filayaa inuu Tv-ga Horn Cable Awoodiisa Warbaahineed kala horyimaado Xukumadda Kulmiye Mucaaradad xoogan .

Madaxda Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ayaa la sheegay inay siddoo kale ka Cadhoodeen inay Xukumaddu Fasaxday Tv-ga Universal oo Tartan xoogani ka dhexeeyo waxaanna ay siddoo kale la sheegay inay xukumaddu qoondaysay in Tv-ga Universal Xaruntiisa Labaad uu ka dhigto Magaaladda Hargeysa.

Xukumadda Kulmiye iyo Tv-ga Horn Cable oo Muddo badan ahaa saaxiibo dhow ahaa ayaa la filayaa inay Hadda kala Irdhoobaan Waxaanna maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayay Mucaaradad Xoogan oo dhinaca wararka ahi inay Tv-gaasi ka soo wajahday dhinaca Xukumadda.
Wareegto Kas oo Baxday Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta somaliland ayaa Lagu Amray in Guriga Mulkiilaha Horn Cable Tv

 
Mudane Farxaan Xaaji Cali iyo Sagaal Guri oo kale isla Markaasna uu Ku Jiro Guriga Guddoomiye Ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yusuf (Cali Guray) lagu Baneeyo .

iyadoo Wareegto Kasoo Baxday Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta somaliland Lagu Amray in Guriga Mulkiilaha Horn Cabl Tv
 
Mudane Farxaan Xaaji Cali iyo Sagaal Guri oo kale isla Markaasna uu Ku Jiro Guriga Guddoomiye Ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yusuf (Cali Guray) lagu Baneeyo .

Wareegtani oo uu Ku Saxeexnaa Cali Cabdi Saayaq Waxaa Lagu Amray In Todoba Cisho Gudahood Lagu Baneeyo Guryahaasi oo Dowladdu Leedahay .





Contact@afkashacabka.com