Maxamed Xuseen Rooble: Afar arrimood ka ogoow Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

0
Saturday September 19, 2020 - 11:21:58 in by salman abdi
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Xuseen Rooble: Afar arrimood ka ogoow Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

    Maxamed Xuseen Rooble: Afar arrimood ka ogoow Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Xuseen Rooble: Afar arrimood ka ogoow Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Maxamed Xuseen Rooble waa Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in baarlamaanka la horgeeyo si ay u ansixiyaan, magacaabistiisa ayaa kusoo begmeysaa xilli dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay ka heshiyeen qaabka ay u dhaceyso doorashada.

Waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa dhowr arrimood oo ku saabsan Ra'iisul wasaarahan cusub.

Wakhti kooban oo u harsan

Muddo xileedka dowladda hadda jirta waxaa ka haray 143 maalmood, waxaana laga dhursugaya in uu soo dhiso xukuumad oo iyada xitaa sugeysa in Baarlamaanka ay kalsooni ka helaan.

"Fursadooyin buu heystaa inkasta uu wakhtigu yahay mid aad gabaabsi u ah marka la eego heshiiskii hadda la gaaray oo la rabo doorashooyinka bisha Nofembar in uu howlgalo" Rashiid Cabdullaahi Maxamed oo ah wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya.

"Ma lahan khibrad siyaasadeed"

Waa nin ku cusub siyaasadda, inta badan Ra'iisul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya ma laheyn wax khibrad siyaasadeed ah markii xilalkaas loo magaacaabayay, sida uu BBC-da sheegay Maxamed Caalin oo ka faallooda arrimaha siyaasadda.

Ra'iisul wasaaraha la magacaabay, Maxamed Xuseen Rooble
 

"Waana arrinka dhaqanka soomaaliyeed badanaa illaa dowladdii Cabdullaahi Yuusuf qof, aan xirfadda siyaasadeed ka mid noqon, xisbi siyaasadeed aan ka qeyb gelin, ama xildhibaan noqon, in lagu soo tuuro siyaasadda, waxay la mid tahay shakhsi caadi ah oo Ra'iisul wasaare laga dhigay," ayuu yiri Maxamed Caalin.

"Nin khibrad siyaasadeed leh ma ahan, guddoomiye gobol ma soo noqon, musharrax maamul goboleed kama soo noqon, xildhibaan maamul goboleed ma soo noqon, xildhibaan federaal ma soo noqon, wasiir ku xigeen ma soo noqon, safiir 

Maxamed waa Injineer ka soo howlgalay dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden, isagoo dhowr iyo toban sano la soo shaqeeyay hay'adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay'adda Shaqaalaha Adduunka ee loo soo gaabiyo (ILO).

"Waa nin aad u degan"

Dadka aqoonta u leh Ra'iisul Wasaaraha cusub ayaa ku tilmaamay in uu yahay ni deggan oo af gaaban isla maarkana joogooyin sare ka soo qabtay Qaramada Midoobey gaar ahaan mashaariic badan oo ay Ha'yadda ka fulisay Soomaaliya.

"Waa nin jagooyin sare ka soo qabtay UN gaar ahaan hay'adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO, howlo badan ka soo qabtay Soomaaliya iyo Somaliland, siiba ha'yaddaas oo dhanka mashaariic badan oo dalka ka fulisay uu qeyb ka ahaa. Waa nin aad u deggan, nin bashaah ah oo umadda dhexgeli kara," ayuu yiri Rashiid Cabdullaahi Maxamed oo Wasiir ka soo noqday Soomaaliya.

Arrimaha doorashooyinka

In kastoo laga heshiiyay nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonto, haddana waxaa Ra'iisul wasaaraha cusub laga filayaa in dowladdiisa ay xoojiso dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka.

"Hadda dib u dhis ciidan lagama sugayo, dib u dhis dhaqaale lagama sugayo, hadda waxaa laga sugayaa in uu dib u habeyn ku sameeyo waxyaabaha lagu heshiinayay ee tubta doorashooyinka. Siyaasad ahaan dowladdiisa sidey u xoojin doontaa amniga codeynta iyo dhexdhexaadnimada la xiriirta dhaqaalihii caalamka uu baxsho ama musharraxiinta ay bixiyaan," ayuu yiri Maxamed Caalin oo khabiir dhanka siyaasadda ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Maxamed Xuseen Rooble laga doonayo in uu ambaqaado arrimaha doorashooyinka haddii taas uu ka leexdana wuxuu wajihi karaan guuldarro, sida uu Caalan qabo.

"Sida iyagu ay sheegeen wakhtiga hadda haray waa afar bilood, waxaa laga sugi karaan in uu ku ekaado uun dariiqa doorashada, hadduu kaa ka leexdo oo uu is ballaariyo si xukuumaddiisa saddex sano ama labo sano u hesho, fashil badan baa qabsan karaa."