Wasiir Axmed Shide Oo Ku Dhawaaqay Talaabo Ay Bulshada Reer Jigjiga U Sacab-tumeen

0
Sunday September 20, 2020 - 08:47:12 in by salman abdi
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Axmed Shide Oo Ku Dhawaaqay Talaabo Ay Bulshada Reer Jigjiga U Sacab-tumeen

    Wasiir Axmed Shide Oo Ku Dhawaaqay Talaabo Ay Bulshada Reer Jigjiga U Sacab-tumeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Axmed Shide Oo Ku Dhawaaqay Talaabo Ay Bulshada Reer Jigjiga U Sacab-tumeen
Wasiirka Maaliyadda iyo dhaqaalaha ee Itoobiya Md. Axmed Shide ayaa shalay ku dhawaaqay go’aan ka farxiyay bulshada Soomaalida Itoobiya. Wasiir Shide ayaa go’aan uu shalay Addis Ababa ka soo saaray wuxuu ku sheegay inaan shacabka Itoobiya lagala wareegi karin wixii ka yar hal milyan iyo badh oo ah lacagta hore ee la bedelayo ee Itoobiya, wakhtigan lagu gudo jiro beddelka lacagtii hore ee Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa toddobaadkan Jibriga Jigjiga ku qabtay lacag dhan laba boqol oo kun oo birr oo ay kala wareegeen muwaadin u dhashay dalka Itoobiya, gaar ahaan kililka Soomaalida, iyadoo lagu gudo jiro beddelaada lacagtii hore ee Itoobiya. Talaabadan oo ay ka cadhoodeen Soomaalida Itoobiya ayaa waxay sababtay in Wasiir Shide shalay soo saaro go’aanka ah inaan lala wareegin karin wixii lacag ah ee ka yar hal milyan iyo badh ee dalalka deriska laga soo gelinayo Itoobiya Wasiir Axmed shide ayaa ah Guddoomiyaha Xisbiga Barwaaqo ee Deegaankaa Soomaalida Itoobiya.