Oradyahan u dhashay dalka Spain oo sameeyay ficil ay dad badan la yaabeen+Sababta.

0
Monday September 21, 2020 - 09:42:16 in by salman abdi
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Oradyahan u dhashay dalka Spain oo sameeyay ficil ay dad badan la yaabeen+Sababta.

    Oradyahan u dhashay dalka Spain oo sameeyay ficil ay dad badan la yaabeen+Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oradyahan u dhashay dalka Spain oo sameeyay ficil ay dad badan la yaabeen+Sababta.

Ciyaaryahan u dhashay dalka Spain islamarkana dheela ciyaaraha fudud ayay dadka isticmaala baraha bulshada ay si wayn u bogaadiyeen ka dib markii uu u huray in guusha kaalinta saddexaad uu qaado ciyaartooy la tartamayay.

Ciyaaryahanka ayaa wadiiqo qaldan maray markii uu u dhawaa dhamaadka tartankan dhanka oradka.

Ciyaaryahanka dhanka oradada ee u dhashay dalka Britain James Teagle ayaa ku dhawaa in kaalinta saddexaad ee tartanka uu ku guuleysto markaasi oo uu qalad sameeyay markii uu mitiro u jiray dhammaadka tartanka.

Diego Méntrida ayaa ka dib dhaafay, balse waxaa uu arkay qaladka uu galay ka dib-na wuu istaagay si uu ugu ogolaado Teagle in uu ka hormaro oo uu kaalinta saddaxaad galo.

"Wuu u qalmaa," ayuu yiri Mr Méntrida.

Tartankan ayaa dhacay 13 september, balse muuqaalkan ayaa baraha bulshada lagu faafiyay maanta.

Dad badan ayaa ciyaartooygan 21 jirka ah ee lagu magacaabo Méntrida ugu hambalyeeyay ficilka uu sameeyay ee uu u ogolaaday in saaxiibki uu galo kaalin uu isaga gali karay.

Jimcihii ayaa waxaa qabanqaabiyayaasha tartankan ay gudoonsiiyeen Méntrida iyo sidoo kale Teagle oo la siiyay lacag dhan €300, oo abaalmarin ah, sida uu qoray wargaeyska El Mundo ee ka soo baxa dalka Spain.

"Tani waa mid ay i bareen waalidiinteyda iyo naadiga aan u dheelo tan iyo caruurnimadeydii, sida ay iila muuqato aniga waa arrin iska caadi ah," waxaa uu sidaasi Méntrida ku qoray barta uu Instagram ku leeyahay.

Qoraakiisa ka dib ayaa waxaa ficilkiisa ku bogaadiyay asxaabtiisa ku xiran barta uu Instagram ku leeyahay.

Teagle ayaa marka uu waddada qaldan u leexday waxaa tartanka ka dhinnaa wax ka yar 100 mitir.