Itoobiya oo billaabeyso diiwaan gelinta hubka sharci darrada ah
Wasaaradda nabadda ee dalkaasi Itoobiya ayaa sheegtay iyada oo ka duuleyso bayaanki uu bilooyin ka hor meel mariyey baarlamaanka dalkaasi iney wasaaradda waddo tallaabbooyin suuragelinaya diiwaan gelinta hubka sharci darrada ah.
Wasaaradda Nabadda ee dalka Itoobiya iyo Komishiinka booliska federaalka Itoobiya warmurtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen oo ku saabsan bisha diiwaan gelinya hubka sharci darrada ee Afrika waxay ku sheegeen diyaar garowga diiwaan gelinta hubka sharci darrada ah in la dhammeystiray.
Wasiiradda Nabadda ee dalka Itoobiya Mufarriyaat Kaamil waxay sheegtay hubka sharci darrada ah ee waddamada qaaradda Afrika ku baahay in lagu sameeyo dambiya fudud ilaa iyo falal aragagixiso.
Waxayna intaasi ku dartay labada sano ee ugu dambeeyey tallaabbooyin lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah iney socdeen tallaabbadan diiwaan gelintana ay dadaalki soo socday qayb ka tahay.
"Hay'adaha loo baahnaa iney xakameeyaan hubka sharci darrada ah uma diyaarsaneyn teknooloojiyaddi ay ku howl geli lahaayeen, dowladduna hay'adihi fulin lahaa waxay u dhammeystirtay qalab iyo tababarradi ay u baahnaayen" ayey tiri.
"Bayaanka baarlamaanka dalka Itoobiya uu soo saaray waxaa looga tala galay si uu qayb uga noqdo sugidda amniga iyo xasiloonida dalka Itoobiya si ay muwaaddiniinta dalka nabad ugu wada noolaadaan" ayey tiri.
Hubka sharci darrada ah oo dalka qaybahiisa kala duwan isaga gooshana "Wuxuu sababaa nabadgalyo la'aan, iyo dadka oo is laayo" ayey tiri wasiiradda Nabadda dalka Itoobiya Mufarriyaat Kaamil.Sawir Qori
Maxa socda?
La taliyaha wasaaradda Nabadda ee dalka Itoobiya Minas Fisaha wuxuu sheegay Itoobiya iney 2011-kii saxeexday heshiiski ka hortagga iyo xakameynta hubka fudud ee sharci darrada ah ee loo yaqaanno (Nairobi Protocol), balse sanado badan uu dalkaasi laheen sharciyo arrintan gacan ka geysanayo.
Balse dowladda Itoobiya oo sanadihi u dambeeyey arrintan ahmiyad siisay 2019-kii waxay meel marisay bayaanka xakameynta hubka uu tirsigiisu yahay 1177/2012.
"Xeerarki uu sharcigaasi u baahnaa oo dhanna diyaarintooda waa la dhameystiray" ayuu yiri la taliyaha Wasaaradda Nabadda.
Howsha diwaangelinta hubka sharci darrada ee dalka Itoobiya dhawaan ka billaabmayana fulinteeda waxaa loo xil saaray Komishiinka Booliska ee dowladda federaalka oo kaashanayo booliska deegannada kuwa ismaamul magaalooyinka.
Balse warmurtiyeedka ay wasaaradda Nabadda soo saartay laguma sheegin xilliga rasmiga ah ee diiwaan gelinta hubka la billaabayo.
Sharci ahaan yaa loo oggol yahay inuu hub haysto?
"Bayaanka uu tirsigiisu yahay 1177/2012 ayaa si cad looga bayaamiyey cidda hubka qaadan karta ee loo oggol yahay iyo cidda aan loo oggoleyn. Balse guud ahaan sida uu bayaanku dhigayo waxaan hub loo oggoleyn dadka aqoon sharci oo durugsan laheen, dadka ay maxkamad ka mamnuucday ama dadka ay lixaadkoodu dhammeystirneen" ayuu yiri la taliyaha wasaaradda nabadda Minas Fiseha.
Jadwalka diiwaan gelinta hubkana waxaa soo saari doono Komishiinka booliska fedraalka dalka Itoobiya oo howshan loo igmaday.
Itoobiya oo billaabeyso diiwaan gelinta hubka sharci darrada ah
Itoobiya oo billaabeyso diiwaan gelinta hubka sharci darrada ah