Dagaalka Armenia iyo Azerbaijan oo la sheegayo inuu dib u bilowday

0
Monday October 12, 2020 - 10:21:51 in by salman abdi
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Armenia iyo Azerbaijan oo la sheegayo inuu dib u bilowday

    Dagaalka Armenia iyo Azerbaijan oo la sheegayo inuu dib u bilowday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka Armenia iyo Azerbaijan oo la sheegayo inuu dib u bilowday

Waxaa jira warbixino sheegaya dagaal cusub oo udhaxeeya Armenia iyo Azerbaijan, saacado un kadib markii xabad joojinta dhaqan gashay.

Qaraxyo ayaa ku dhuftay Stepanakert, oo ah caasimada gobolka lagu muransan yahay Nagorno-Karabakh, fiidnimadii Sabtida, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo warbaahinta Armenia.

Labada dhinacba ayaa midba mid kale horay ugu eedeyay inuu sii wado duqeymaha.

Kadib dagaal labo toddobaad socday, labada dal waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin ku-meel-gaadh ah intii lagu guda jiray wadahadalkii Moscow ka dhacay Jimcihii.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in "waxaa sii kordhaya walaaca laga qaba warbixinnada ku saabsan dhaqdhaqaaqyada militariga ee sii socda, oo ay ku jiraan bartilmaameedyada rayidka, iyo sidoo kale khasaaraha dadka rayidka ah" in kasta oo heshiiska lagu xusay", sida lagu sheegay bayaan la sii daayay Axaddii.

In ka badan 300 oo qof ayaa dhimatay kumanaan kalena waa ay barakaceen tan iyo markii rabshadihii ugu dambeeyay ee dagaalka muddada dheer socday uu qarxay 27kii Sebtember.

Hogaamiyaha gobolka Nagorno-Karabakh, Arayik Harutyunyan, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in xaalada ay "dagantahay" axadii laakiin waxa uu ka digay in xabad joojinta ay xilli kasto burburikarto.

Dhisme dabaq ah oo ku yaal magaalada Azerbaijan ee Ganja ayaa la burburiyay habeenimadii taas oo saraakiishu ku sheegeen inuu ku dhacay gantaal laga soo riday Armenia. Saraakiisha ayaa sheegaya in toddobo qof ay dhinteen tobaneeyo kalena ay dhaawacmeen balse Armenia ayaa gaashaanka u daruurtay wararka sheegaya in gantaalka uu ka yimid dhineceeda.

Xabad joojinta oo haatan caga badan ku taagnayn ayay ahayd in labada dal loo oggolaado in ay is dhaafsadaan maxaabiista iyo in la kala gurto meydadka dagaalladii ugu dambeeyay.


Orla Guerin on the scene of the blast in Ganja: "It looks more like all-out war than ceasefire"

Nagorno-Karabakh waxaa maamulo qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia balse rasmiyan waxuu gobolkan uu khilaafkiisa mudddada badan soo jiitamayay ka tirsan yahay Azerbaijan.

Armenia iyo Azerbaijan - waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeeti - waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada.

Dhanka kale gabadha caanka ah ee reer Mareykan Kim Kardashian West, oo asal ahaan ka soo jeeda Armenia, ayaa baraha bulshada ku shaacisay inay u deeqeyso lacag dhan $ 1m oo doolar oo loogu tala galay dadka Armenia ee ku waxyeeloobay dagaalada.

Sidee xabad joojintu ku timid?

Waxaa la isku raacay kadib wadahadalo 10 saacadood qaatay oo ka dhacay caasimada Ruushka ee Moscow. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in labada dal ay hadda bilaabi doonaan wada hadalo "wax ku ool ah".

Sikastaba, Wasiirka Arimaha Dibada ee Armenia Zohrab Mnatsakanyan ayaa markii dambe ku tilmaamay wadahadalada mid aad u adag waxuuna sheegay in Armenia ay dooneyso in Nagorno-Karabakh loo aqoonsado caalamka in ay tahay dal madax banaan.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibada ee Azeri Jeyhun Bayramov ayaa sheegay in cadaadis ku filan aan la saarin Armenia intii ay socdeen wadahadalada, xaalada Nagorno-Karabakhna aysan sii ahaan karin sidii ay ahayd.

Waxaa la filayaa in Azerbaijan ay gacanta ku dhigto dhul badan, xabad joojintuna waxay socon doontaa oo kaliya inta Laanqeyrta Cas ay ku diyaarineyso meydadka la doonayo in labada dal ay isweydaarsadaan.

Turkiga, oo taageera Azerbaijan, ayaa sheegay in xabbad joojintu Armenia u tahay "fursaddii ugu dambeysay" ee ay ciidamadeeda ugala baxdo dhulka lagu muransan yahay.

Wasiirrada Arrimaha Dibedda Armenia, Azeri iyo Ruushka

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Qoraalka sawirka,

Wasiirrada Arrimaha Dibedda Armenia, Azeri iyo Ruushka

Ruushka ayaa se qeyb ka ah isbaheysi militari oo ay la leeyihiin Armenia, waxaana uu dalkaasi ku leeyahay saldhig milatari. Si kastaba ha noqotee, waxay sidoo kale xiriir dhow la leeyihiin dowladda Azerbaijan.

Maxaa dhacay kaddib markii ay xabad joojintu dhaqan gashay?

Wasaaradda difaaca ee Armenia ayaa sheegtay in xoogagga Azeri ay weerar qaadeen shan daqiiqo kadib markii xabad joojinta la rabay in ay dhaqan gasho, iyadoo ay ka jawaabeen ciidamada qowmiyadaha Armenia. Ciidamada Azeri ayaa sidoo kale duqeynayay magaalo, sida ay sheegtay wasaarada difaaca.

Dhanka kale wasaaradda gaashaandhigga ee Azerbaijan ayaa sheegtay in Armenia ay "si bareer ah u jabineyso nidaamka xabad joojinta" oo ay rasaas ku ridayaan gobollada Azeri ee Terter iyo Agdam, balse Armenia waa ay beenisay arrintaas.

Sidoo kale xabad joojinta ayaa waxaa jiray guluf xooggan oo dhexmaray labada dal. Masuuliyiinta Nagorno-Karabakh ayaa sheegay in Azerbaijan ay gantaalo ku garaacday xaafadaha rayidka ee magaalada weyn ee Stepanakert, halka Armenia ay ku eedeysay ciidamada Azeri inay sii xoojinayaan weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Under fire in Nagorno-Karabakh

Raysal wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan oo la hadlay BBC horaantii todobaadkan wuxuu ka digay "xasuuq" ka dhaca gobolka.

Isku dhacyada ayaa barakiciyay kala bar dadka Nagorno-Karabakh - oo qiyaastii ah 70,000 oo qof - ayay saraakiishu sheegeen.

Map of the region
 

Nagorno-Karabakh - Xaqiiqooyin ku saabsan

Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran

Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda

Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan

Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan

Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso 1 malyan

Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan

Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii

Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan

Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya