Puntland oo xabsi daa'in ku riday dhalinyaro da'yar oo katirsan Al-shabaab

0
Monday October 12, 2020 - 10:29:05 in by salman abdi
  • Visits: 366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo xabsi daa'in ku riday dhalinyaro da'yar oo katirsan Al-shabaab

    Puntland oo xabsi daa'in ku riday dhalinyaro da'yar oo katirsan Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo xabsi daa'in ku riday dhalinyaro da'yar oo katirsan Al-shabaab Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xukuntay saddex nin oo dhalinyaro oo katirsan ururka Alshabab, kuwaas oo lagu qabtay dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari.



Ismaaciil Cabdulaahi Ibraahim iyo Xasan Uulow Ibraahim, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii maxkamadu caddeysay inay kamid yihiin Alshabab laguna qabtay iyagoo dagaal kula jira ciidamada Puntand.

Maxkamada ciidamada ayaa sodoo kale, Maxamed Ibraahim Isaaq oo da’diisu tahay 16 sano jir waxay ku xukuntay in loo sameeyo dhaqan celin laguna wareejiyo wasaaradda cadaalada iyo arrimaha diinta ee Puntland.

Dhalinyaradaan la xukumay oo dhammaantood da’doodu ka yar tahay 2o sano jir, ayay Puntland sheegtay in lagusoo tababaray gobolada koonfurta Soomaaliya kadibna loosoo safriyay Puntland, si ay dilal iyo qaraxyo uga geystaan.

Xukumanayaashu waxay haystaan racfaan 30 cishe ah.