Ma Run-baa In Axmed-siilaanyo Uu Ka Cudur-daaranayo Ka Mid Ahaanshaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Lagu Daray?

0
Monday October 12, 2020 - 10:34:52 in by salman abdi
  • Visits: 383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Run-baa In Axmed-siilaanyo Uu Ka Cudur-daaranayo Ka Mid Ahaanshaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Lagu Daray?

    Ma Run-baa In Axmed-siilaanyo Uu Ka Cudur-daaranayo Ka Mid Ahaanshaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Lagu Daray?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Run-baa In Axmed-siilaanyo Uu Ka Cudur-daaranayo Ka Mid Ahaanshaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Lagu Daray? Waxa Shalay la soo saaray Liiska kama dambaysta ah ee Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kaasi oo ka kooban 241 Xubnood. Liiskaas waxa Lambarka 7-aad ku jira Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa Aasaasihii Xisbiga KULMIYE, waxaase Gebi ahaanba ka maqan Xubnaha Qoyska Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid tahay Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina-weris) oo hore ugu jirtay Golaha dhexe ee Xisbiga iyo Wiilka uu Sodogga u yahay ee Baashe Cawil Cumar. Lama garanayo in Xubinnimada Siilaanyo tahay ‘Xubin Sharafeed’ ay qorsheeyeen Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo inuu yahay Xubin rasmiya Hase-yeeshee Warar uu Wargeyska Geeska Afrika ayaa tilmaamaya in la filayo in Axmed-siilaanyo uu ka cudur-daarto Xubinnimadaas KULMIYE, waxayna Wararku sheegyaaan inuu Cudur-daarkiisa ku salayn doono in Golaha dhexe ee cusub laga reebay Dad badan oo ka mid ahaa kuwii la aasaasay Xisbiga oo isagu jira Haween iyo Rag. Geesta kale, Liiska Shalay waxa bannaanaa Laba Lambar oo kala ah 50 iyo 49, kuwaasi oo aan la garanayn sababta loo banneeyay, Laakiin Warar uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegay in Labada Lambar ee bannaanaa yihiin Labada Xubnood ee Beesha Madaxeyne Axmed-Siilaanyo ee Aadan Madoobe. 



Source Geeska Africa.