Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Qoyskii Marxuum Cali Khaliif Galaydh+Arrimaha Uu Kala Hadlay
Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Qoyskii Marxuum Cali Khaliif Galaydh+Arrimaha Uu Kala Hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Ra’iisul
Wasaarihii Hore ee dalka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ee ka soo qeyb galay Aaskii-qaran ee loogu
sameeyey Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda
Soomaaliya ay u sameysay Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda
Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka.
"Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleyr ma ahan mid kaligiin gaar idin
taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.”
Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey
Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey
iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Ra’iisul Wasaarihii Hore Marxuum Cali Khaliif Galeyr.
Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Qoyskii Marxuum Cali Khaliif Galaydh+Arrimaha Uu Kala Hadlay
Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Qoyskii Marxuum Cali Khaliif Galaydh+Arrimaha Uu Kala Hadlay