"Hadalkii Xubnaha KULMIYE Shacabku Waxay Ka Sugayaan Jawaab"

0
Thursday October 15, 2020 - 12:56:56 in by salman abdi
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hadalkii Xubnaha KULMIYE Shacabku Waxay Ka Sugayaan Jawaab"

    "Hadalkii Xubnaha KULMIYE Shacabku Waxay Ka Sugayaan Jawaab"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadalkii Xubnaha KULMIYE Shacabku Waxay Ka Sugayaan Jawaab"  Siyaasi Mustafe Cabdi Shiine oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI isla markaana xilal badhasaabnimo kasoo qabtay xukuumaddii Silaanyo ayaa sheegay in shacabka Somaliland jawaab ka sugayaan hogaanka KULMIYE taas oo ku aaddan dhaliilihii cuslaa ee saddexda siyaasi ee kala ah Maxamuud Xaashi Cabdi, Maxamed Qabo iyo Maxamed Dhimbiil ay u jeediyeen Madaxweynaha Somaliland. "Shirkii jaraa'id ee shalay ay qabteen 3dii siyaasi ee KULMIYE ka tirsanaa wuxuu ahaa kii ugu adkaa ee indhawayd lagu dhaliilo xukuumadda, gaar ahaan madaxweynaha. Eedihii cuslaa ee ka soo burqanaayay raggaasi, gaar ahaan wasiirkii madaxtooyada ee xukuumaaddii xilka ku wareejisay waxay ahaayeen kuwo sii naaxinaaya xanta dadka aan ladhacsanayn hogaaminta madaxweynaha ay fidiyaan. Dhanka kale hadalkani wuxuu noqonayaa mid ku riixa in dad badan oo ay ka dagi la'ayd ay ku liqaan. Wasiir hore Maxamuud Xaashi waxa uu soo ururiyay mashaariic badan oo u muuday marka hadalkiisa la eego inuu xog-ogaal ka yahay dhamaantoodna uu ka dhigay kuwo lagu fashilmay. Sidoo kale waxa hadal Maxamuud ku jiray qaybo uu aad ugu talax tagay habdhaqanka madaxweynaha dalka oo isugu jiray kuwo ku salaysan dabeecada Mudane Muuse Biixi iyo himiladaasi u gaarka ah sida maal urursiga oo kale. Sida la ogyahay waxa bini'aadamku ku nool yahay waa sumcada uu qofku lee yahay, waxana kaba sii xag jira tan hogaamiyayaasha, sidaa daraadeed waxaan shaqsiyan qabaa in ay maanta Madaxweyne Muuse Biixi u taalo inuu si toosa shacabkiisa uga jaahil saaro dhaliilahaa dhumucda leh ee ka yimid siyaasiyiinta weli ka tirsan xisbigiisa ee daarada ka soo shiidaaya ama ugu yaraan uu ka fogeeyo qof ka tirsan xafiiskiisa oo ku hadli kara afkiisa. Si kastaba xaalku ha noqdee waxa aamusnaanta madaxtooyadu u ekaan doontaa aragtidayda gaaban in aanay hayn wax ay kaga jawaabaan arrinkaasi"