Dowladda Soomaaliya oo ogolaatay in Qaadka Itoobiya la keeni karo dalka Soomaaliya

0
Sunday October 18, 2020 - 09:29:07 in by salman abdi
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ogolaatay in Qaadka Itoobiya la keeni karo dalka Soomaaliya

    Dowladda Soomaaliya oo ogolaatay in Qaadka Itoobiya la keeni karo dalka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo ogolaatay in Qaadka Itoobiya la keeni karo dalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa ogolaatay in Qaadka dalka Ethoipia uu si sharci ah ku soo gale karo dalka Soomaaliya, ayada oo wali dalka Kenya ay saarantahay xayiraaddii lagu soo rogay. Sharikadda National Airways ee uu fadhigeedu yahay dalka Itoobiya ayaa maanta ka soo digtay garoonka Adan Cadde ayado oo wadda xamuul qaadka loo yaqaano HAREERI.

Waa markii ugu horeysay oo tan iyo markii u bilowday cudurka Covid19 ay Soomaaliya ay kasoo dagto diyaarad Qaad sida, iyadoo horey garoomada Soomaaliya looga mamnuucay in diyaarado Qaad sida aysan ka soo dagi Karin garoonada Soomaliya.

Lama oga waxa xilligan kusoo beegay in dowladda Soomaaliya ay kala jeclaato Qaadka labada dal ee deriska la ah, waxaase waayahaan sii xumaanayey xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaa socdaal ku jooga dalka Kenya R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo musharax u ah doorashada madaxweyne.

Dhinaca kale, Qaadka laga dajiyay Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay Qaad horey si hoose loosoo galin jiray magaalada Muqdisho oo ka imaan jiray Kenya.