Wadanka Turkiga Oo Ka Hadlay Xaalada dagaalka Ee cusboonaaday Soo Cusboontay Wadamada Armenia iyo Azerbaijan

0
Sunday October 18, 2020 - 09:46:25 in by salman abdi
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadanka Turkiga Oo Ka Hadlay Xaalada dagaalka Ee cusboonaaday Soo Cusboontay Wadamada Armenia iyo Azerbaijan

    Wadanka Turkiga Oo Ka Hadlay Xaalada dagaalka Ee cusboonaaday Soo Cusboontay Wadamada Armenia iyo Azerbaijan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Turkiga Oo Ka Hadlay Xaalada dagaalka Ee cusboonaaday Soo Cusboontay Wadamada Armenia iyo Azerbaijan

Saacado uun kaddib markii xabbad joojin looga dhawaaqay gobolka Nagorno Karabakh ee ay ku dagaallamayaan waddaamda Armenia iyo Azerbijian ayaa waxaa markiiba soo baxay eedeymo ah in Azerbijian ay heshiiskaasi jebisay oo hub artilari ah iyo sawaariikh kale ku garaacday dhanka Armenia.

Dowladda Armenia ayaa Azerbijian ku eedeysay in heshiiskaasi ay jebisay.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaal socday muddo saddex toddobaad, iyadoo labada dhinac ay ku dagaallamayaan gacan ku haynta gobolka caalamku uu u aqoonsan yahay in uu ka tirsan yahay Azerbijian balse Armenia ay sheegato.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Azerbaijan oo ku saabsan eedeynta Armenia ee ah in xabbad joojintii lagu heshiiyay la jebiyay gaar ahaan dhanka Azerbaijan.

Balse farriin uu xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga Armenia uu soo dhigay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay jiraan duqeymo iyo sawaariikh lagu garaacay woqooyiga iyo koonfurta Armeenia.

Waa heshiiskii labaad oo xabbad joojin ah oo labada dhinac ay kala saxiixdaan muddo toddobaad ah, waxaana ujeedada xabbad joojintani ay ahayd in waddo loo furo ciidamada Azeribiajan ee ku go'doonsan gudaha gobolka Nagorno Karabakh.

Mar sii horreysay ayaa afhayeen u hadlay hoggaanka dalka Armenia oo ku sugan gobolka lagu muransan yahay ayaa sheegay in xaaladdu ay deggan tahay kaddib markii lagu dhawaaqay heshiiskaasi xabbad joojineed.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

 

Xabbad joojintan ayaa waxaa ka sii horreeyay eedeymo labada dhinac ay dhabarka isu saarinayeen oo ahaa in midba midka kale ku eedeeyo duqeymo ka dhan ah goobo ay deggan yihiin dad rayid ah.

Madaxweynaha Azerbaijan ayaa mar sii horreysay wacad ku maray in shacabka Armenia ay laysay uu u aargudi doono.

In ka badan 300 oo qof ayaa dhimatay kumanaan kalena waa ay barakaceen tan iyo markii rabshadihii ugu dambeeyay ee dagaalka muddada dheer socday uu qarxay 27kii Sebtember.

Nagorno-Karabakh waxaa maamulo qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia balse rasmiyan waxuu gobolkan uu khilaafkiisa mudddada badan soo jiitamayay ka tirsan yahay Azerbaijan.

Armenia iyo Azerbaijan - waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeeti - waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada.

.

XIGASHADA SAWIRKA,EPA

 

Falcelinta Turkiga

Afhayeenka Madaxweynaha Tukiga Ibrahim Kal Presidentialn ayaa sheegay in Armenia ay gashay dambiyo dagaal inkasta oo xabbad joojintu ay jirto.

Wasiirka gaashaandhigga Hulusi Akar ayaa qadka taleefanka kula hadlay wasiirka difaaca ee Azerbaijan Gen. Zakir Hasanov, waxaana la is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka labada dal.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ayuu Wasiir Akar ku cambaareeyay weerarada Armenia ay sii waddo waxa uuna ku tilmaamay iney yihiin dambiyo dagaal.

Waxa uu intaasi ku daray iney iyagana la mid yihiin kuwa ku baaqaya 'xabbad-joojinta' iyo 'wadahadallada' sabatoo ah waxay ahayd iney la socdaan xaaladda dhabta ah ee jirta iyo weerarada gantaallada ee ay Armenia adeegsaneyso. Waxa uu sheegay in si dhab ah loola xisaabtami doono.

Nagorno-Karabakh - Xaqiiqooyin ku saabsan

Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran

Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda

Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan

Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan

Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso 1 malyan

Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan

Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii

Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan

Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya