Cali Guray Oo Shaaciyey Sababta Raysal WasaareXigeenkii Hore Ee Somalia Maxamed Cumar Carte Loogu Ogolaadey Inuu Yimaado Hargeysa

0
Saturday October 24, 2020 - 09:19:10 in by salman abdi
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guray Oo Shaaciyey Sababta Raysal WasaareXigeenkii Hore Ee Somalia Maxamed Cumar Carte Loogu Ogolaadey Inuu Yimaado Hargeysa

    Cali Guray Oo Shaaciyey Sababta Raysal WasaareXigeenkii Hore Ee Somalia Maxamed Cumar Carte Loogu Ogolaadey Inuu Yimaado Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Guray Oo Shaaciyey Sababta Raysal WasaareXigeenkii Hore Ee Somalia Maxamed Cumar Carte Loogu Ogolaadey Inuu Yimaado Hargeysa - Siyaasi Cali guray ayaa ka hadlay sababta Dalka Somaliland inuu yimaado loogu ogolaan karo Ra’iisal-wasaare-xigeenkii hore ee Somalia Maxamed Cumar Carte Ahna xildhibaan katirsan baarlamaanka somaliya oo la sheegay in uu Cafis soo waydiistay xukuumada Somaliland. Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in sababta loogu ogolaaday ay tahay Aabihii Cumar Carte oo aad ugu xanuunsanaya hargaysa islamarkaana ay tahay ogolaashihiisu mid Bini-aadamnimo. Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arintan kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;- "Sababta loogu ogolaaday Maxamed Cumar Carte Hargeysa waxan filayaa in ay tahay odaygii aabihii ahaa oo loogu qaylo diray oo loo sheegay in aanay kana bixin kuna jirin. Taasi ma siyaasad bay noqonaysaa mise sabab bini aadminimo? Kee baase mudan siyaasadda iyo bini aadminimada. Kolay aniga xagayga waxa mudan bini aadminimada balse way jiri karaan dad ay siyaasaddu kala mudan tahay dadninada iyo xataa malaha diinta islaamka. Iyagana waa garashadooda. Xataa dhinaca diinta in loo diido in aabihii oo sakaraad ah dul yimaado iyo in loo ogolaado waxa sax ah in loo ogolaado; dadnimo ahaan, diin ahaan iyo dhaqan ahaanba. Balse qofka intaaba aan xeerinayn badda ha ku dhacdo haduu doonayo. Waxa uu sheegi karo ayaaba iska yare. Hadda kuma jiraan kuwa aan sheegayo caruurta dhalatay 90s-kii ee aan iyagu wax badan ogayni