Maamulka Hirshabeelle oo gudbisay xubnaha ku matalaya Guddiyada Doorashada heer Federaal

0
Sunday October 25, 2020 - 09:25:57 in by salman abdi
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Hirshabeelle oo gudbisay xubnaha ku matalaya Guddiyada Doorashada heer Federaal

    Maamulka Hirshabeelle oo gudbisay xubnaha ku matalaya Guddiyada Doorashada heer Federaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Hirshabeelle oo gudbisay xubnaha ku matalaya Guddiyada Doorashada heer Federaal

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay xubnaha maamulkiisa ku matalaya Guddiyada Doorashada heer Federaal.

Madaxweyne Waare  ayaa u soo xushay. Cabdinasir Maxamed Guulleed iyo Maxamed Maxamuud Caddo  in ay ka mid noqdaan Guddiga  doorashada heer Federaal,   halka dhinaca kale Liibaan Cismaan Nuur iyo Farxiyo Xassan Cismaan ka mid noqon doonaan Guddiga Xalinta khilaafaadka.


Hirshabeelle ayaa noqoneysa maamulkii ugu danbeeyay ee soo gudbiya xubnaha uga mid noqonaya guddiyada doorashada, iyadoo horay maamulada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland u soo gudbiyeen xubnihii laga sugayay.

 

Ugu danbeyntii Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble  ayaa lagu waddaa in uu wareegto ku soo saaro Guddiyada heer Federaal.