Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Soo Bandhigay Hadal Uu Cali Khaliif Galaydh U Sheegay 5 Maalmood Ka Hor Geeridiisa
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Soo Bandhigay Hadal
Uu Cali Khaliif Galaydh U Sheegay 5 Maalmood Ka Hor Geeridiisa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee in Dr. Cali
Khaliif Galaydh uu Geeridiisa ka hor uu aad uga walaacsanaa inaan Madaxda Somaliland diyaar u ahayn
inay ka dhabeeyaan oo ay fuliyaan heshiiskii uu Maamulkiisii Khaatumo la galeen Madaxweynihii hore ee
JSL Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Geerida Cali Khaliif ka qoray Qormo dheer wuxuu ku sheegay inuu ahaa
Aqoon, Siyaasi iyo Waxgarad ka baxay Ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markii ugu horraysay
ee ay ku kulmeen ahayd 1971-kii, markaas oo ay ku kulmeen Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Prof. Samatar wuxuu sheegay in Cali Khaliif oo ay aad isku dhex galeen sannadkii 2017-kii ay yeesheen
shirar iyo kulamo badan.
Wuxuu intaa ku daray in Labadooduba (Samatar iyo Galaydh) ay ugu yaraan laba Munaasibadood kula
kulmeen Madaxweyne Biixi dabaqayaadii sannadkii 2017-kii, taas oo ay saddexdooduba iskula garteen in
Dr. Cali Khaliif uu soo diyaariyo qodobbada ugu muhiimsanaa heshiiska ay Khaatumo la gashay
Madaxweyne Siilaanyo.
"Markii ugu dambaysay ee aan la hadlay Dr. Galaydh waxay ahayd 5 Maalmood ka hor Geeridiisii lama
filaanka ahayd ee Jigjiga, markaas wuxuu si cad oo walaac uu qabay la socdo iigu sheegay in hoggaanka
Somaliland aanay dareen soo jeeda u hayn oo wakhti lumis iyo Gaabis wadeen, taasi waxay dhashay inaan
wax weyn la fulin illaa hadda sida uu sheegay..” ayuu Prof. Samatar ku yidhi Qormadiisa uu ku qoray Afka
Ingiriisiga.
Wuxuu sheegay Samatar inuu Cali Khaliif Galaydh u sheegay inay wax weyn ku soo arkeen socdaalkoodii
ay ku mareen Gobollada kala duwan ee Somaliland oo ay dhallinyarada ugu jeediyeen khudbado kala
duwan.
Qoraalkan oo lagu baahiyey Shabakadda Somaliland chronicle wxuuu Prof. Samatar ku sheegay in
Bulshada Khaatumo looga baahan yahay inay soo xulaan shakhsi bisil, maskax furan, aqoonyahan ah oo buuxiya kaalintii Dr. Galaydh oo hoggaamiya sidii loo fulin lahaa heshiiskii uu Galaydh la galay
Somaliland.
Wuxuu sheegay Samatar Maqnaanshaha Bulshada Sool ka maqan yihiin Somaliland ay hoos u dhigi doonto
guul kasta oo ay Somaliland gaadhay "Marka la eego hoggaanka hadda iyo ka mustaqbalka ee Somaliland
wakhtigu waa ku sii gabaabsi, sidaasi darteed waxa muhiim ah inay firfircooni ku gedaamaan wadahadallada oo dib loo kiciyo, oo fulinta heshiiskii loo dhaqaajiyo sida ugu wanaagsan. Waxa Daruuri ah in
markan wax laga qabto waxyaabaha ay doonayaan Bulshada Sool oo la sharfo oo la karaameeyo muwaadin
Qadarin ballaadhin leh (Cali Khaliif Galaydh). Runta dhayda ka caddaatay soddonkii sanadood ee u
dambeeyay waxay tahay in guulaha la majeertay ee Somaliland gaadhay ay weligeed hoos u dhigi
maqnaanshaha Bulshada Gobolka Sool oo intiisa badani ay weli maqan yihiin..
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Soo Bandhigay Hadal Uu Cali Khaliif Galaydh U Sheegay 5 Maalmood Ka Hor Geeridiisa
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Soo Bandhigay Hadal Uu Cali Khaliif Galaydh U Sheegay 5 Maalmood Ka Hor Geeridiisa