Man City Oo Guuldaro La Kulantay Kulan Laba Casaan Ah La Siiyay & Bayern Oo Mar kale Dishay Roma

0
Thursday November 06, 2014 - 19:39:48 in by Burco Office
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man City Oo Guuldaro La Kulantay Kulan Laba Casaan Ah La Siiyay & Bayern Oo Mar kale Dishay Roma

    Manchester City ayaala kulantay guuldaradii labaad ee tartanka Champions League markii ay ku kuftay gurigeeda ciyaar ay martigalisay kooxda CSKA Moscow ee dalka Ruushka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City ayaala kulantay guuldaradii labaad ee tartanka Champions League markii ay ku kuftay gurigeeda ciyaar ay martigalisay kooxda CSKA Moscow ee dalka Ruushka



City

.Doumbia xidiga la yiraahdo ayaa noqday geesiga garoonka markii uu laba gool ka dhaliyay City, waxaana sidoo kale ciyaarta sameyn ku yeeshay kaarar cas oo la siiyay laba xidig oo ka tirsan City, Yaya Toure iyo Fernandinho ayaana laga saaray ciyaarta qeybtii dambe ee ciyaarta.

Doumbi aya hoganka u dhiibay CSKA Moscow daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta markii uu madaxeeyay laad xor ah oo geesta midig laga soo qaaday, goolhaye Joe Hart ayaana awoodi waayay inuu qabto.

Daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta Yaya Toure ayaa barbaro u keenay kooxdiisa Manchester City markii uu shabaqa ku hubsaday laad xor ah oo loo dhigay meel aan ka fogeynxerada ganaaxa.

Doumbia ayaa helay fursad qaali ah oo uu hogaanka ugu dhiibi karay kooxdiisa mar kale isagoo ka hor tagay goolhaye Joe Hart, balse geesta ayuu mariyay kubadii uu goolka la rabay.

Daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta Doumbia ayaa mar kale shabaqa soo taabtay isagoo hogaanka u dhiibay kooxdiisa si qurux badan ayuuna golhaye hart u daba mariyay isagoon ka fogeyn.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-1, oo ay hogaanka ku heyso kooxda CSKA Moscow, balse markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Fernandinho ayaa lagudoonsiiyay jaalihi labaad ee ciyaarta taasoo ka dhigan in 10-ciyaartoy ay noqdeen City.

City ayaa mar kale lasii gaabiyay markii Yaya Toure uu xidig ka tirsan CSKA Moscow si cad ugu gardarooday, kaar toos ah ayuuna qaatay madama garsoraha uu ka ag dhawaa goobta falka ka dhacay.

Ugu dmabeyntii City ayaa guuldaro ay soo gaartay iyadoo joogtay Etihad Stadium, waxeyna taas ka dhigtay iney ugu hoosmarto kala horeynta Groupka E.

.

Dhanka kale Bayern Munich ayaa guuldaro dhabarka u saartay As Roma, waxeyna marti ku ahaayeen wiilasha Rudi Garcia magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Franck Ribery iyo Mario Goetze ayey kaga mahad celinayaan labada gool, taasoo u suuragalisay iney iska xaadirisay wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Sidoo kale Francesco Totti ayaa kulankaan qeyb ka qaadan iyadoo taageeryaasha Roma ay muujinayeen sida uu kabtankooda muhiim ugu yahay kulankaan.



contact@afkashacbka.com