Alshabaab Oo Qabsatay Deegaan Ka Tirsan Somaliland Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay.
Alshabaab Oo Qabsatay Deegaan Ka Tirsan Somaliland Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay. Wararka laga helayo gobolka Sanaag ee Soomaaliland ayaa sheegaya in
saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanada kooxda Al-Shaab ay gudaha u
galeen deegaano hoos-yimaada degmada Laas-Qoray ee gobolkaasi.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa Warbaahintu u sheegeen in deegaanadaasi ay
ku arkeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka
bilaabay halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la waregeen deegaanada kala ah
Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, kuwaas ku yaalla
duleedka Laas-Qoray.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in deegaanadaasi ay howl-gallo ka
sameeyeen, gaar ahaan halka loo yaqaano Gurya-Samo oo u dhexeeya
degmooyinka Badhan iyo Laas-Qoray ee gobolka Sanaag.
Xaaladda ayaa haatan u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi xoogan
ka muujinayaan in dagaal culus uu ka qaraxo halkaasi.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda Somaliland
Lama oga u jeedka ka dambeeye in Al-Shabaab ay u wareegaan gobolka
Sanaag oo fariisimo ku leeyihiin ciidamada Somaliland
Al-Shabaab oo weli ku xoogan qeybo ka mid ah Soomalia ayaa weeraro ku
dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo qaraxyo ka fulisay gudaha Soomaaliya.
Halkana Kala Soco Wixii Warar Ee Ka Soo Kordha.
Alshabaab Oo Qabsatay Deegaan Ka Tirsan Somaliland Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay.
Alshabaab Oo Qabsatay Deegaan Ka Tirsan Somaliland Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay.