Ninkii weeraray Faransiiska oo la sheegay in uu maalmo yar ka hor dalka yimi

0
Friday October 30, 2020 - 11:29:45 in by salman abdi
  • Visits: 395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii weeraray Faransiiska oo la sheegay in uu maalmo yar ka hor dalka yimi

    Ninkii weeraray Faransiiska oo la sheegay in uu maalmo yar ka hor dalka yimi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninkii weeraray Faransiiska oo la sheegay in uu maalmo yar ka hor dalka yimi

Ninkii ku toorriyeey labada gabdhood iyo ninka tan iyo ilaa inta ay ka dhinteen kaniisad ku taal dalka faransiiska ayaa la sheegay in uu ka yimi uun maalmo ka hor dalka Tuniisiya.

Eedeysanahan oo 21-jir ah ayaa watay Dukumenti Laanqeyrta Cas ee Talyaanigu oo la siiyey ka dib markii uu Doon Tahriibayaal ku yimid Jesiiradda Lampedusa ee Talyaaniga bishii la soo dhaafay. Waxaa toogtay booliska, waxa uuna hadda ku sugan xaalad halis ah.

Mid ka mid ah dhibbanayaasha weerarkii Khamiistii ka dhacay Notre-Dame basilica ee magaalada Nice ayaa "gebi ahaanba uu qoorta ka gooyay".

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaana ku tilmaamay falkan "weerar argagixiso oo ay fuliyeen koox islaamiyiin xagjir ah".

Mr Macron wuxuu sheegay in tirada askarta loo daad gureynayo inay ilaaliyaan goobaha ay bulshada isugu timaado - sida kaniisadaha iyo iskuulada - inay ka kici doonaan 3,000 ilaa 7,000. Dacwad oogayaasha la dagaalanka argagaxisada ayaa furay baadhitaan, Faransiiska ayaa sare u qaaday heeganka amniga qaranka ilaa iyo heerka ugu sarreeya.

Falkan ayaa ka daba imanaya weerar kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaal waqooyiga-galbeed ee magaalada Paris. Samuel Paty, oo ah macalin, ayaa qoorta laga jaray maalmo ka dib markii uu tusay kartoon sawirka nabi Muxamed NNKH uu ku sheegay qaar ka mid ah ardaydiisa.

Dilkaas ayaa sare u qaaday xiisadaha ka taagan Faransiiska. Difaaca Mr Macron ee xuquuqda daabacaadda kartoonada iyo iskudayada dowladda ee ku aaddan la dagaalanka islaamka xagjirka ah ayaa ka cadheysiiyay Turkiga iyo wadammo kale oo muslimiin u badan.

Map showing the location of the attack in Nice
Presentational white space

Qofka looga shakisan yahay weerarka Nice ayaa la maqlayey marar badan isaga oo ku celcelinaya"Allahu Akbar" (Ilaahay baa weyn) ka hor inta aysan boolisku toogan.

Kitaab Quraan ah, labo taleefan iyo mindi 30cm ah (12 inji) ayaa laga helay ninkii weerarka soo qaaday, ayuu yiri madaxa dacwad oogaha Faransiiska ee la dagaalanka argagixisada Jean-François Ricard.

"Waxaan sidoo kale helnay boorso uu ka tagay qofka weerarka soo qaaday, boorsadaan waxaa ku jirey labo mindiyo oo aan loo adeegsan weerarka, "ayuu raaciyay.

Ilo wareedyo booliis ah ayaa ninka weerarka qaaday ku sheegay Brahim Aouissaoui.

Isaga oo ka hadlaya booqashadii Nice, Mr Macron wuxuu yiri: "Haddii mar labaad nala soo weeraro waa qiimahaa aan leenahay: xorriyadda, suurtagalnimada dhulkeenna in aan si xor ah u aaminsanaano oo aan loo dhiibin ruux kasta oo argaggixiso ah"

"Waxaan si cad ugu sheegayaa mar kale maanta: isma dhiibi doonno."

Laba weerar oo kale ayaa dhacay Khamiistii, mid ka dhacay Faransiiska iyo mid ka dhacay Sacuudi Carabiya.

Nin ayaa lagu toogtay Montfavet oo u dhow magaalada koonfurta Faransiiska ku taal ee Avignon ka dib markii uu booliska ugu hanjabay baaskoolad.

Waardiye ayaa lagu weeraray bannaanka qunsuliyada Faransiiska ee Jeddah ee Sacuudi Carabiya. Tuhmane ayaa la qabtay, halka waardiyihii loo qaaday isbitaalka.

1px transparent line









Weerarradi ugu dambeeyey ee ka dhacay gudaha dalka Faransiiska haddii aan eegno:

20-ka bisha Oktober: Macallin taariikda dhiga oo wax ka barayey iskuul ku yaalla duleedka magaalada Paris ayaa qoorta laga jaray.

September 2020: laba qof ayaa weerar toorri lagu dhaawacay kaddib marki weerar lagu qaaday xafiiski hore ee Charlie Hebdo.

October 2019: Weerar ka dhacay xaruunta dhexe ee booliska magaalada Paris ayaa lagu dilay afar qof oo ay seddex ka mid ah ahaayeen askar boolis ah.

July 2016: Laba qof ayaa weerar ku qaadday kaniisad ku tiillay waqooyiga Faransiiska waxayna ku dhaawaceen laba qof uu mid ka mid ah yahay baadari.

July 2016: Nin hubeysan oo gaari weyn oo xamuul waday ayaa jiiray rasaasna ku furay dad dabbaaldeg ku howlanaa wuxua halkaasi ku dilay 86, qof iyada oo uu weerarkaasi uu sheegtay ururka IS.

November 2015: Nin hubeysan oo isa soo miidaamiyey ayaa weerar qorsheysnaa ka fuliyey goob ay dadka isugu yimaaddaan oo ka koobneyd maqaayado, baarar, garoon ciyaaraha waxaana halkaasi ku dhintay 130 qof halka ay boqollaal kalana ku dhaawacmeen.

January 2015: Laba qof oo hubeysnaa oo ka tirsanaa ururka IS ayaa weeraray xafiiska Charlie Hebdo ee sawir gacmeedka ka sameeyey Nabi Muxamed (NNKH) oo ku yaalla magaalada Paris waxayna dileen 12 qof.