Cabdi Fataax El-Sisi: Haddii Nabiga la aflagaaddeeyo xurriyad hadal ma jirto

0
Saturday October 31, 2020 - 10:21:26 in by salman abdi
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Fataax El-Sisi: Haddii Nabiga la aflagaaddeeyo xurriyad hadal ma jirto

    Cabdi Fataax El-Sisi: Haddii Nabiga la aflagaaddeeyo xurriyad hadal ma jirto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Fataax El-Sisi: Haddii Nabiga la aflagaaddeeyo xurriyad hadal ma jirto

KH iyo diinta Islaamka isagoo aan waxba ka fahansaneyn arrintaas, wuxuu ku weeraray kuna dhibaateeyay dareenka malaayiin muslimiin ah oo ku nool Yurub iyo caalamka intiisa kale", ayuu soo qoray Ra'iisul Wasaare Khan.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Dhanka kale, shirkadda Twitter-ka ayaa masaxday qoraallo uu soo galiyay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Malaysia, Mahatiir Maxamed, kuwaasoo ay ku sheegeen inay "dhiirrigalinayeen qalalaase iyo dil."

Tallaabada lagu masaxay qoraalka Mahatiir ayaa timid kaddib markii dad badan ay ka dacwoodeen hadallo uu siyaasigaas ku sheegay halkaas oo ku talinayay in dadka Muslimiinta ah ay aargoosi ahaan u dilaan malaayiin qof oo Faransiis ah.

Madaxweynaha Iiran Xasan Rouhani ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha sida kulul uga jawaabay hadalkii carada abuuray ee kasoo yeeray madaxweyne Macron.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Rouhani
Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha Iiraan Xasan Rouhani

"Reer Galbeedku waa inay fahmaan Nabiga wanaagsan ee Muslimiinta inay jecel yihiin dhammaan dadka muslimka ah iyo waliba dadka xornimada jecel ee caalamka," ayuu yidhi Rouhani.

"In la caayo nabiga waxay la mid tahay in la caayay dhammaan muslimiinta. Haddii nabiga la caayo waxaa la caayay dhammaan nabiyada, qiimaha bani'aadanka iyo shuruucda oo dhan." Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo sida ugu adag uga jawaabay hadalkii madaxweynaha Faransiiska ayaa su'aal galiyay in Mr Macron uu caafimaadkiisa dhinaca maxkaxda wanaagsan yahay.

Wuxuu Erdogan ku baaqay in dhammaan waddamada Muslimiinta ah ay xayiraad kusoo rogaan badeecooyinka Faransiiska.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan
Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan

Dalka Faransiiska waxaa Khamiistii ka dhacay weerar loo adeegsaday Toori oo lagu dilay saddex ruux.

Nin u dhashay dalka Tunisia oo sitay toorreey, kuna dhawaaqayay "Allahu Akbar" ayaa haweeney ku gowracay labo qof oo kalena ku dilay gudaha kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, kahor inta aysan isagana toogan kaddibna kaxeynin booliiska.

Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday qunsuliyadda uu Faransiiska ku leeyahay magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

Qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa muujiyay taageero ay la garab taagan yihiin Faransiiska, iyagoo canbaareeyay weerarrada lala beegsaday.

Dowladda Qadar ayaa dhankeeda soo saartay bayaan ay ku canbaareyneyso weerarkii toorrida loo adeegsaday iyo kii ka dhacay qunsuliyadda Faransiiska ee magaalada Jiddah.

"Xukuumadda Dooxa waxay cusbooneysiineysaa mowqifkeeda ku aaddan sida ay uga soo horjeeddo qalalaasaha iyo argagaixisanimada iyadoo aan eegeynin sababta loo sameynayo falalkaas," ayaa lagu yidhi bayaanka.

Hindiya ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay si buuxda u garab taagan tahay Faransiiska.

Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi (bidix) iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron
Qoraalka sawirka,

Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi (bidix) iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron

Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu si adag u canbaareynayo weerarradii argagixiso ee dhawaan ka dhacay Faransiiska.

Qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu Mr Modi ku yidhi: "Waxaan si xoog badan u canbaareynayaa weerarradii argagixiso ee laga geystay Faransiiska, oo uu ka mid yahay kii ugu dambeeyay ee foosha xumaa ee ka dhacay gudaha kaniisadda ku taalla Nice."